Maxkamada EU-da: Qofka qoxootiga ah ee helay magangalyada, wuxuu leeyahay xuquuq lamid ah tan qofka muwaadinka ah

0
207

Maxkamada cadaalada midowga Yurub (EU Court of Justice) ayaa xukun ay soo saartay ku sheegtay in qofka qoxootiga ah ee heysta magangalyada rasmiga ah, uu xaq ahaan leeyahay xuquuqda qofka muwaadinka ah ee dalka uu magangalyada ka helay, marka laga hadlayo kaalmooyinka dhaqaalaha ay dowladu bixiso. 


Go´aanka maxkamada ayaa yimid kadib markii qoys reer Afgaanistaan oo magangalyo ka helay dalka Austria, heysatana magangalyo sadex sano ah ay dowladu ka yareysay kaalmooyinka dhaqaale, iyada oo tixraaceyso sharciga dalkaas. Qoyskan ayaa maxkamad la fuulay dowlada, waxuuna kiiskoodu ugu danbeyn tagay maxkamada cadaalada EU-da oo kiiska u xukuntay qoyska.

Garsoorayaasha maxkamada cadaalada EU-da ayaa go´aankooda ku cadeeyay in marka la fiiriyo xeerka Yurub ee hada shaqeeyo, uu qofka heysata magangalyada saxda ah uu xuquuq ahaan yeelanayo xuquuqda qofka muwaadinka ah, marka laga hadlayo helista kaalmooyinka dhaqaale. Sharcigaas ayaa wada qabanaya dhamaan wadamada katirsan midowga Yurub.

Go´aanka maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in hadii qofka la siiyay magangalyo aan mid rasmi ah, la aqbali karo in laga dhimo kaalmooyinka dhaqaale qaarkood, iyada la fiirinayo xaalada guud ee kiiska qofka markaas.

Xigasho/kilde: FAZ.NET

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments