Mahad Abiib: Sida uga dhaqsiyaha badan ha la iigu celiyo dalka la igu sheegay inaan kasoo jeedo ee Jabuuti

0
136
Mahad Abiib

Maxkamada racfaanka Oslo ayaa bil kahor diiday racfaanka uu Mahad Abiib ka gudbiyay go´aankii maxkamada hoose ee Oslo ay ka gaartay kiiskiisa codshada in dib loogu soo celiyo dhalashadiisii Norway. Maxkamada racfaanka ayaa si lamid mida hoose ee Oslo go´aankeeda ku sheegtay inay u badantahay in Mahad Abiib uu kasoo jeedo dalka Jabuuti.

Wareysi uu Mahad Abiib siiyay jariirada ABC-nyheter ee dalkan Norway ayuu ku sheegay in markan diyaar u yahay in dib loogu celiyo dalka ay maxkamada Oslo iyo dowlada Norway ay isku raaceen inuu kasoo jeedo ee Jabuuti. Wuxuuna sheegay inuu booliska ka codsaday inay ku celiyaan Jabuuti, hadii ay hubaan inuu dalkaas kasoo jeedo.

Mahad ayaa sheegay in xaaladiisu ay ku sugantahay korna ha aadan, dhulkana ha joogin ee cirka ka daldalnow. Waxaa laga qaaday dhalashadiisii Norway, waxaa loo diiday inuu u safro dalkii uu ka yimid ee Soomaaliya iyada oo lagu sheegay inuu kasoo jeed Jabuuti, halka jabuutina ay diiday inuu yahay muwaadin u dhashay dalkeeda.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER(HALKAN KASII AKHRI WAREYSIGA Abiib). 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments