fredag, april 19, 2024

Macalimiin soomaali ah oo Iskuul lagu barto wadida baabuurta(Trafikkskole) Oslo ka furay: Kasoo qeybgal xaflada furitaankiisa

Magaalada Oslo waxaa dhawaan laga furay iskuul lagu barto wadida baabuurta, ahna mid sharci ahaan diiwaan-gashan oo lamid ah iskuulada kale ee wadida baabuurta kale ee Oslo ama Norway kafuran.

Oma trafikk-skole  ayaa waxaa maamula, macalimiin ka ah, macalimiin soomaali ah oo heysta shahaadada barista kaxeynta baabuurta(Trafikkskole Lærer) oo sharciyeysan. Rabana inay aqoontooda uga faa´iideeyaan dadka soomaalida ah iyo bulshoweynta kale ee Oslo ku dhaqan.

Maalinta beri ah waxaa albaabada loo furi doonaa iskuulkan, waxaana dhamaan dadka xiiseynaya barashada baabuurta ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda lagu dhiirigalinayaa inay kasoo qeybgalaan xaflada furitaanka.

Kasoo qeybgalayaasha xaflada furitaanka ee xiiseynaya inay qaataan leysinka wadidista baabuurka ayaa heli doono qiimo-dhimis la xiriirta saacada wadidista baabuurta ee Iskuulka.

Wixii macluumaad ah oo ku saabsan iskuulka ay maamulaan macalimiinta soomaalida ah, qeybaha saacadah wadidista baabuurta, waxaad ka fiirin kartaa webka iskuulka oo ah: Omatrafikk.no(halkan riix)

Macluumaadka Xaflada furitaanka:

Goobta ay ka dhaceyso: Tøyengata 45(agagaarka iskuulka Tøyen skole)

Saacada: 15:00

Wixii macluumaad ah kala xiriir: Maamulaha iskuulka Oma-trafikk-skole: Osman Aden

Tlf: 40538644

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x