Ka qeybqaado xog uruurintan: Maqnaanshaha nidaam maaliyaad oo islaami ah, bulshada muslimka maka soocaa bulshoweynta Nordica

0
202

Ma degantahay mid kamid ah wadamada Norway, Sweden, Denmark ama Finland, waxaan kugu dhiirigalineynaa inaad ka qeybqaadato xog uruurintan muhiimka ah, aadna ka jawaabto su´aalaha xog uruurinta oo af Soomaali ku qoran. Toos u gal- halkan Riix: Prio


Wadamada la isku yiraacdo Nordica waxaa degan bulsho muslimiin ah oo gaaraya boqolaal kun isku dar. Waxaana jiro caqabado dhowr ah oo ka heysta ku noolaanshaha wadamada Nordica, taas oo ay kamid tahay guryaha ama deegaanka. Waxaana muuqato in dad badan oo muslimiin oo awooda aysan iibsan karin guryo, sababo la xiriira diinta islaamka iyo nidaamka iyo adeega maaliyadeed bangiyada wadamada Nordica.

Machadka cilmibaarista ee PRIO ayaa xiligan wada xog uruurin iyo cilmibaaris la rabo in lagu baaro ama lagu ogaado in maqnaanshaha nidaam islaami ah oo maaliyadeed, uu sababi karo in bulshada muslimiinta ah ay ka soocmaan bulshada inteeda kale. Tusaale ahaan iibsashada guryaha oo kale, oo dad badan oo muslimiin ah aysan iibsan sababo la xiriira lacagta dulsaarka ah ee saaraan deynta guryaha ee bankiyada Norway.

Xog uruurinta ayaa ah mid madax banaan(dowlada shaqo kuma lahan), waxaana la rabaa in si cilmiyeysan(akademic ah) lagu ogaado adeegsida dadka muslimiinta ah ee adeegyada maaliyadeed iyo ka qeybqaadashooda suuqa iibsiga guryaha wadamada Nordica.

Hadii aad rabto inaad ka qeybqaadashada xoguruurinta: Halkan click sii, waxey kugu qaadaneysaa dhowr daqiiqo, su aaluhuna waa af soomaali.

Hadii aad su aalo dheeri ka qabto xog uruurinta, Kala xiriir 

Xuseen Cawad: Tlf: 46655005 ama E-mail: post@ramaasbolig.no 

Torkel Brekke(Madaxa xog uruurintan): E-mailTorkel@prio.org

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments