Japan: Waxaan ahay wasiirka ilaalinta amniga computer-da, waligeyna computer ma furin!!

0
167
Wasiirka ilaalinta amniga computerada ee Japan

Wasiirka cusub ee ilaalinta amniga combiyuutarrada Japan ayaa ka yaabiyay dhamaan bulshoweynta caalamka, kadib markii uu sheegay in uusan waligii kombiyuutar isticmaalin. Yoshitaka Sakurada ayaa arinkaas qirtay isaga oo la hadlaya guddi baarlamaanka ka tirsan oo su´aalo weydiinayay, wuxuuna sheegay in:

«Tan iyo markaan 25 jirka ahaa een madaxa bannaanaa waxaan awaamiir siin jiray shaqaalahayga iyo xoghayeyaashayda. Intaan noolaana waligay kombiyuutar ma isticmaalin,» ayuu yiri sida ay qortay wakaaladda wararka ee Kyodo.

Ninkan oo 68 jir ah ayaa xilkan loo magacaabay bishii hore. Masuuliyaddiisa waxaa ka mid ah in uu dusha kala socdo u diyaar garawga sugidda amniga kombiyuutarrada dalkiisa, maadaama oo Tokyo lagu qabanayo ciyaaraha Olombikada sannadka 2020.

Masato Imai oo ka mid siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Party oo su’aal uu waydiiyay ay ka dhalatay jawaabtan ayaa sheegay in uu yaabay.

«Waxay ila noqotay wax aan la rumaysan karin in ruux masuul ka ah ammaanka kombiyuutarrada uusan waligii isticmaalin kombiyuutar,» ayuu yiri.

Balse Sakurada ayaa sheegay in masuuliyiinta kale ee la shaqaynaysa ay leeyihiin khibrad ku filan, uuna ku kalsoon yahay in uusan wax dhib ah dhacaynin.

Sikastaba ha ahaatee su’aal dabo socotay su’aashii hore oo ahayd in USB uu sababay mashaqadii ka dhalatay shirkadda korontada ee nukliyeerka ku shaqaysa ayaa walaac sii dhalisay.

Arrintan ayaa dood kulul ka dhalisay baraha ay bulshadu ku xiriirto dadka ayaana aragtiyo kala duwan ka dhiibtay iyadoo qaarna ay la yaabeen qaarna ay maad ka dhigteen, dadka qaar ayaana sheegay in ugu yaraan aan wasiirka macluumaad laga xadi doonin maadaama oo uusan kombiyuutar isticmaalin.

 

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments