Dhaxal sugaha sacuudiga oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uu la Kulmo

0
132

Dhaxal sugaha boqortooyada sacuudiga Maxamed Bin salmaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu la kulmo, inta la gudo Jiro shirka soo socda ee mudada 2 maalin ah ay wadamada G20-ga ku yeelan doonaan dalka Argentine.

Wasiirka arimaha dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa xaqiijiyay arintan, wuxuuna raaciyay in madaxweynaha uu ku jawaabay in ay arki doonaan sida xaalada ay noqoto. Hadalkaan ayuu ka sheegay Mr Cavusoglu ,kadib wareysi uu siiyay majalada maalinlaha ah ee Sueddeutsche Zeitung oo ka baxda Jarmalka.

Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin sabab daruuri ah oo mr Erdogan kula kulmo dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin salmaan. Labadan hogaamiye ayaa ku kulmi doona magaalada caasimada ah ee Buenos Aires, oo shir ka wadamada G20-ga uu ka dhacayo 30 November ilaa 1-da bisha December.

Xiriirka Turkiga iyo sacuudiga ayaa xumaaday kadib dilkii magaalada Istanbul 2-dii bishii October loogu geestay wariye Jamal Khashoggi.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga ayay xaaladu ku cakiran tahay kadib markii ilo kala duwan ay farfiiqeen in isagu uu ahaa qofkii dalbaday in la dulayo wariye Jamaal Kashoggi, iyada oo CIA-da mareykanka ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay tuhmayaan in Bin Salmaan uu ahaa qofkii dalbaday dilka wariye Jamaal.

Xigasho/kilde: Aljazeera

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments