Denmark oo Iiraan ku eedeysay shirqool dil, dibna ugu yeertay safiirkeedii ka joogay Iiraan.

0
103
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Denmark ayaa ku eedaysay dowlada Iiraan in ay qorshaynaysay in ay shirqool ku disho nin Iiraani ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada kuna disho gudaha dalka Denmark.

Sida ay sheegtay hay’adda Sirdoonka Denmark, bartilmaameedka ayaa la rumaysan yahay in uu ahaa xubin katirsan dhaqdhaqaaqa gooni u goosatada gobolka Carabta ee dalka Iiraan.

21-kii October ayaa dalka Sweden waxaa lagu xidhay nin heysta dhalashada Norway, asal ahaana kasoo jeeda Iiraan oo la sheegay in uu xiriir lahaa qorshahaas la sheegay ee dilka ah.

Ra’isul Wasaaraha Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa shirqool kaas la tuhunsan yahay ku tilmaamay «Mid aan gabi ahaanba la aqbali Karin» wuxuuna sheegay in Midowga Yurub looga baahan yahay in ay qaadaan tallaabo dheeri ah.

Masuuliyiinta ayaa sameeyey dambi baaris ballaaran 28-kii September taas oo horseedday in la hakiyo in loo kala safro Denmark iyo Sweden.

Talaadadii, ayaa madaxa Sirdoonka Denmark, Finn Borch Andersen, waxa uu xaqiijiyey in tallaabooyinkaas loo qaaday si looga hortago weerar la qorsheeyey.

Qofka la sheegay in la doonayey in la dilo ayaa la sheegay in uu ahaa xubin sare oo katirsan urur lagu magacaabo Arab Struggle Movement for the Liberation of Ahvaz (ASMLA), oo u taagan xoraynta gobolka Carabtu ay u badan tahay ee kuyaal galbeedka dalka Iran.

Shirqoolkan ayaa yimid kadib markii weerar toogasho ah lagu qaaday ciidamada militariga Iiraan oo gaadda ka cayaar samaynayey bishii September, weerarkaas oo lagu dilay in kabadan 25 qof.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay koox gooni u goosato ah oo Carab ah iyo ururka la baxay Dawladda Islaamka, inkastoo midna aan caddayn loo hayn sheegashadiisa.

Sida ay sheegeen ilo isugu jira diblumaasiyiin iyo laammaha ammaanka, Jimcihii, Faransiiska ayaa eryay diblumaasi u dhashay dalka Iran sababo la xiriira shirqool lagu doonayo in lagu qarxiyo isusoobax ay soo abaabuleen kooxaha mucaaradka ee dalka Iran.

Denmark ayaa sidoo kale u yeertay safiirkoodii ka joogay dalka Iiraan, waxeyna codsatay in cunuqabateyn la saaro dalka Iiraan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments