Denmark: 38% dadka ay dib u qiimeysay baahida magangalyadooda, waxey wali u baahanyihiin magangalyo

0
86
Wasiirada soo galootiga Denmark, Inger, iyo wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Islow

Dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa warbaahinta dalka Denmark, waxaa qoraalo eedeyn iyo dhaleeceyn tiro badan loogu jeedinayo hey´adda agaasinka soo galootiga dalkaas ee loo yaqaan Udlændingestyrelsen. Hey´addan ayaa lagu eedeeyay inay jabineyso xeerarka qoxootiga caalamka iyo kuwo xuquuqul insaanka, marka ay dib u qiimeynta ku sameyneyso magangalyada boqolaal soomaali ah oo dalkaas soo galay sanado kahor.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa isbuucyadii ugu danbeysay soo bandhigeysay sheekooyinka qoysas soomaali ah oo heysto caruur dalkaas ku dhalatay, kuwaas oo laga codsaday inay isaga baxaan Denmark, kuna noqdaan wadankoodii Soomaaliya. Sidoo kale, go´aanada hey´addan ayaa keenay in qoysas wada noolaana la kala kaxeeyo, qaarna loo ogolaado inay dalkaas sii joogaan, halka kuwa kalena lagu amray in isaga baxaan Denmark.

Anders Dorph oo agaasime xigeenka hey´addan ayaa maanta maqaal uu eedaas kaga jawaabayo kusoo daabacay wargeyska Alltinget, isaga oo sharaxay sababta ay Soomaalida magangalyada ugu ceshanayaan, kadib marka ay qiimeeyaan baahidooda magangalyo. Isaga oo sheegay in sababta ugu weyn ee arintaas keeneyso ay tahay isbadalka ku yimid xaalada amni ee Soomaaliya oo uu sheegay inay keentay in dib loo qiimeeyo baahida magangalyo ee dadkaas.

Isla wargeyska Alltinget ayaa qoray in hey´adda soo galootiga dalka Denmark ay ilaa hada dib u ceshatay 62% magangalyada ay siisay dadka soomaalida ah, halka ay sharcigooda dib ugu soo celiyeen 38%. Tiradan ayaa ah mid laga sameeyay kiisaska ay hey´ addaas ka shaqeysay sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan.

Xigasho/kilde: Alltinget.dk 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments