Baarlamaanka Norway oo raali-galin siiyay gabar soomaali ah

0
164
Foto:Skjerdump/NRK

Dowlada Norway ayaa isbuucan soo bandhigtay talaabooyin iyo qodobo dhowr ah oo ay sheegtay inay rabto in looga hortagi in caruurta Norway ku dhaqan ay waalidkood uga soo tagaan, ama iyaga oo aan rabay lagu hayo wadamada dibadda ah.

Wasiirka isdhexgalka iyo waxbarashada dalkan Norway, Jan Tore Sanner ayaa sheegay in warbixinadii isbada jooga ahaa ee uu NRK ka diyaariyay caruurta soomaalida ah ee dugsi quraanada loo geeyo Soomaaliya, ay qeyb weyn ka qaateen diyaarinta qodobadan ay dowladu soo bandhigtay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay soo rogi doonto warbixin-siin waajib ah oo la siin doono waalidiinta soo galootiga ah ee Norway ku dhaqan, taas oo ku saabsan qaabka ay tahay inay ilmahadooda ugu koriyaan ama ula dhaqmaan.  Wuxuuna sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan nidaamka caawineed ee la siin karo caruurta xaaladahaas ay lasoo daristo, si ay u qiimeeyaan waxa shaqeynayo iyo waxa aan shaqeyneynin.

Gabar soomaali ah oo raali galin la siiyay:

Dhanka kale, Kristen Ørmen Johnsen oo ah madaxa gudiga qoysaska iyo dhaqanka ee baarlamaanka Norway, ayaa iyada oo ku hadleyso magaca baarlamaanka iyo dowlada Norway raali galin siisay gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Nora.

Nora ayaa xagaagan tv-ga qaranka Norway ee NRK ka sheegtay dhibaato, ciqaab jir ahaan iyo maskax ahaan oo ay kala soo kulantay dhaqan-celin loo geeyay Soomaaliya. Iyada oo noqotay qofkii ugu horeeyay ee si toos ah warbaahinta Norway hor imaada, kana sheekeeya dhibaatooyinka ay kala soo kulantay dhaqan celinta Soomaaliya.

Nora ayaa sheegtay iney jirin cid ka daba tagtay, ogeyd ama wax ka qabatay dhibaatooyinkii ay xiligaas la kulmeysay oo ay sheegtay inay ku reebeen dhibaatooyin maskax ahaan iyo jir ahaanba ah.

Kristen ayaa qirtay in Nora aysan helin caawintii iyo difaacadii ay u baahneyd, waxeyna sheegtay in dowlada Norway ay gabtay shaqadeedii aheyd inay koritaan nabadgalyo iyo xasilooni leh ay siiso dhamaan ubadka ku korayo Norway.

Xigasho: Halkan ka daawo muuqaalka warka NRK ee arintan ku saabsan

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments