Xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay ururka NOAS

0
110

Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa isbuucan magaalada Oslo kula kulmay madax katirsan ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS.

Xildhibaan Zakariye ayaa NOAS uga warbixiyay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, wuxuuna ka jawaabay su´aalo ay wateen madaxda ururka NOAS ee kulanka kala qeybgashay.

NOAS ayaa dhawaan soo saartay warbixin ay ku sheegeyso in go´aanka dib u qiimeynta magangalyada ee qabtay 1600 soomaali ah uu dhaawac ku yahay isdhexgalka bulshada ee boqolaal soomaali ah oo jawaab UDI-da sugaya sanado badan.

Kulanka NOAS iyo Xildhibaan Zakariye, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ururka SOMI oo kamid ah ururada u ololeeya xuquuqda dadka qoxootiga ah ee soomaaliyeed ee Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments