webka faktisk.no oo beeniyay war been abuur ah oo laga sameeyay qoys soomaali ah

0
183
Foto: Skjermdump/NRK

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa barta bulshada ee Facebooga aad loo qeybinayay qoraal uu soo dhigay qof adeegsada bartaas, kaas oo lagu sheegayay in qoys soomaali ah ay telefoon ku iibsadeen lacag gaareyso 59.000, ayna lacagtaas bixisay hey´adda Nav.

Webka faktisk.no oo ah web hubiya, isla markaana baara oo ka daba taga wararka la shakisanyahay jiritaankooda ayaa baaritaan kadib xaqiijiyay inaysan jirin wax xaqiijinaya jiritaanka warkaas. Waxeyna xiriir la sameeyeen shirkada iibisa alaabta Elektroniga ee Power, taas oo xaqiijisay inay jirin lacag intaas le´eg oo mobilo hal mar looga wada iibsaday.

Sheekadan ayaa loo badinayaa inuu soo bandhigay qof adeegsanaya profil been ah oo facebooga ah, waxaana markii hore lagu qeybiyay guruub ay adeegsadaan dadka kasoo horjeedo soo galootiga. Waxaana markii danbe qeybiyay dad kor u dhaafaya kun qof, iyada oo laga dhiibtay boqolaal commenti oo u badnaa cey ku wajahan soomaalida iyo soo galootiga guud ahaan. Dadka sheekadan aan jiritaankeeda la hubin sii qeybiyay ayaa waxaa kamid ah rag sanadkii lasoo dhaafay u sharaxnaa kamid noqoshada baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: NRK/FAKTISK.NO(HALKAN KASII AKHRI)

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments