Sweden: Xisbi diiday qorshe xukuumad cusub dalka Sweden loogu soo dhisi lahaa

0
169

Xisbiga Liberalerne oo kamid ah xisbiyada garabka midig ee siyaasada dalka Sweden ayaa ku gacan seyray soo jeedin lagu dhisi lahaa xukuumad cusub oo ay yeelato dowlada dalka Sweden. Soo jeedintan ayaa ku saabsaneyd in lasoo dhiso xukuumad ka kooban xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterne .

Xisbiga liberalerne ayaa si cad u qeexay ineysan taageeri doonin xukuumad taageero ka heli doonto xisbiga garabka midig ee SD.

Waxaa wali dhib ka taaganyahay soo dhisida xukuumad cusub oo ay yeelato dalka Sweden, kadib doorashadii baarlamaanka dalka Sweden ee dhacday bishii hore. Gudoomiyaha cusub ee aqalka shacabka dalkaas ayaan wali ku guuleysan inuu xisbiyada garabka midig uu ka dhaadhiciyo qorsheyaal lagu soo dhisayo xukuumad cusub. Halka xisbiga SD uu ku adkeysanayo inuusan taageero siin doonin xukuumad uusan ka tirsaneyn ama diidan inay la hadasho.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments