Sweden: Reysulwasaaraha Sweden oo ku guuldareystay inuu xukuumad soo dhiso, balse aan wali is dhiibin!

0
132
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Reysulwasaaraha sida kumeel gaarka ah talada u haya ee dalka Sweden, Stefan Löfven ayaa ku guuldareystay in mudadii labada isbuuc ah ee la siiyay uu kusii dhiso xukuumad maamusho dalka Sweden. Waxeyna arintaas cadaadis sii saartay xaaladii ciirsaneyd ee ku aadaneyd xukuumad u dhisida dalka Sweden, kadib natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday sagaalkii bishii hore ee September.

Horey gudoomiyaha baarlamaanka dalka Sweden, kana tirsan xisbiga garabka midig ayaa sida oo kale isugu dayay inuu soo dhiso xukuumad ka kooban xisbiyada garabka midig, balse taasna uma aysan suurto galin, waxa uuna talada xukuumad soo dhisida ku wareejiyay Stefan Löfven oo isagana hada gacanta ka taagtay.

Stefan Löfven ayaa shir jaraa´id oo uu qabtay ku sheegay inuusan ka rajo dhigin suurtogalnimda inuu wadankaas mar kale uu reysulwasaare ka noqdo, ama uu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo ka kooban xisbiyada garabka bidix.

Lama garan doono talaabada xigi karta oo ka dhalan karta natiijada doorashadii dalka Sweden ka dhacday bishii hore. Balse ilaa hada xisbiyada garabka midig iyo kuwa bidixba waxey ku guuldareysteen inay dhisaan xukuumad wadaag ah oo ka talisa dalka Sweden.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments