Sweden: Hogaamiyaha baarlamaanka oo gacanta ka taagay soo dhisid xukuumad cusub, iyo reysulwasaaraha kumeelgaarka ah oo laga codsaday inuu xukuumad soo dhiso

0
97
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Stefan Lövfen Reysul oo hada si kumeel gaar ah u haya xilka reysulwasaaraha Sweden ayaa maanta mar kale laga codsaday inuu soo dhiso xukuumad maamuli doonto dalka Sweden sanadaha soo socdo. Waxaana la siiyay mudo labo isbuuc ah oo uu shaqadaas kusoo dhameeyo.

Arintan ayaa timid kadib markii xisbiyada midigta ay ku guuldareysteen inay isku raacaan dhisitaanka xukuumad ay wadaag ku yihiin.  Gudoomiyaa baarlamaanka dalka Sweden oo katirsan xisbiga midigta ayaa shaley gacanta ka taagay inuu soo dhiso xukuumad, kadib markii laga soo horjeestay dhowr soo jeedin oo uu soo jeediyay in xukuumad lagu dhiso.

Stefan oo afartii sano ee ugu danbeysay dalka Sweden reysulwasaare ka ahaa ayaa la filayaa inuu ku guuleysto soo dhisida xukuumad cusub.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments