Siv Jensen: Arintan waxey cawaaqib u keeni doontaa Keshvari

0
86
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Gudoomiyaha xisbiga Frp, ahna wasiirka maaliyada dalkan Norway, Siv Jensen ayaa ka hadashay kiiska fadeexada ah ee soo wajahay Mezyar Keshvari oo ah xubin katirsan xubnaha baarlamaanka xisbigeeda. Horeyna u ahaa afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp.

Keshvari ayaa lagu heystaa inuu baarlamaanka ka qaadanayay lacago uusan xaq u laheyn, isaga oo sheegayay inuu safaro ku maqnaa xiliyo uu Oslo ku sugnaa.

Siv Jensen ayaa sheegtay in arintan ay tahay mid aan la aqbali karin, ayna dhaawac weyn ku tahay kalsoonida dadka ee xubnaha baarlamaanka. Waxeyna inay ku faraxsantahay in Keshvari uu qirtay qaladkiisa, waxeyna raacisay in kiiskan uu cawaaqib ku lahaan doono nolosha siyaasadeed ee Keshvari.

Siv Jensen ayaa sidoo kale raacisay in kiiskan uu yahay mid khatar ah, una baahan in laga shaqeeyo.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments