Qunsulka Soomaaliya ee Cadan: 400 oo Soomaali ah ayaa ku dhintay Yemen.

0
75

Dad gaadhaya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed ayaa idaacadda VOA u sheegay in dadkaasi badankooda ay ku dhinteend duqaymaha cirka.

Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda.

Halkan ka dhageyso wareysiga Xuseen Xaaji Axmed ee laanta afka soomaaliga ee VOA-da

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments