Oslo: Xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaalia oo kamid ah markhaatiyaasha kiiska dacwada racfaanka Mahad Abiib

0
210

Waxaa isniintii bilaabatay dhageysiga racfaanka dacwada u dhaxeysay Mahad Abiib iyo hey´adda UNE ee dalkan Norway. Dhageysigan ayaa ah markii labaad ee labada dhinac ay maxkamad isku arkayaan, maadaama sanadkii 2017 ay maxkamada koowaad ee Oslo ay u xukuntay dhanka UNE.

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, waxaa dhageysiga dacwadan ay labada dhinac soo istaajin doonaan ilaa toban markaati oo ka marag furi doono cadeymaha ay labada dhinac soo bandhigeen.

Dowlada Norway ayaa wali ku adkeysaneyso in abiib uu kasoo jeedo dalka Jabuuti, halka qareenada Abiib ay soo bandhigeen cadeymo badan oo muujinayo inuu kasoo jeedo dalka Soomaaliya. Aabihiina uu ahaa sarkaal katirsanaa ciidamadii cirka Soomaaliya, xiligii dowladii Siyaad Bare.

TV2 ayaa shaley sidoo kale qoray in xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya uu kasoo qeybgali doono dhageysiga maxkamadan, si uu u marag furo inuu aqoon u lahaa aabaha Mahad Abiib.

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo kala duwan xildhibaan Sakariya Xaaji Cabdi oo kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Oslo u joogo ka qeybgalka dhageysiga dacwada racfaanka Mahad Abiib.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments