Norway: Gudoonkga xisbia Krf oo kula qeybsan la shaqeynta xisbiga Ap, iyo tuurista xukuumada Erna Solberg

0
86
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah, gudoomiyaha xisbiga Krf, Knut Arild Hareide u sheegay inuu soo jeedinayo in la furo suurtogalnimada la shaqeynta xisbiyada Ap iyo Sp, isla markaana ay tuuraan xukuumada hada Norway ka taliso oo ay hogaamiso Erna Solberg.

Knut ayaa hadalkiisa ku micneeyay in xisbigiisu uusan sugi karin sadex sano oo kale, ayna tahay inay laba uun ay mid doortaan. Inay kamid noqdaan xukuumada Erna Solberg, ayna dhoobo la walaaqdaan xisbiga Frp oo ay mabda´ahaan waxbadan isaga soo horjeedaan, ama ay wadashaqeyn la furaan xisbiyada garabka bidix ee Ap iyo Sp. Iyaga oo markaas rajeynaya inay helaan awood fulineed oo ka badan tan ay heli lahaayeen hadii ay la shaqeeyaan Høyre, Venstre iyo Krf.

Krf: Xisbi kala qeybsan.

Saacad kadib marka uu soo baxay hadalka gudoomiyaha KrF, waxaa markiiba kasoo horjeestay gudoomiye ku xigeenada xisbiga KrF, Olaug Bollestad iyo Kjell Ingolf Ropstad oo labaduba sheegay inay kasoo horjeedaan in xukunka laga tuuro xukuumada hada taliso ee Erna Solberg. Sidoo kale siyaasiyiin kale oo katirsan gudoonka xisbiga Krf ayaa sheegay ineysan go´aankaas ku raacsaneyn gudoomiyaha xisbigooda, ayna sheegeen inay noqon doonto arintaas mid dood balaaran ka dhex dhalin doonto baarlamaanka.

Ap oo soo dhaweeyay iyo Høyre oo kasoo horjeestay:

Ap ayaa dhankooda soo dhaweeyay hadalka xisbiga gudoomiyaha xisbiga Krf, iyada oo gudoomiyaha xisbiga Ap uu sheegay in hadalkaas mid taariikhi ah, geesinimana ay ku dheehantahay iyo kudhac.

Høyre ayaa dhankooda sheegay in hadii xisbiga KrF uu rabo inuu kamid noqdo xukuumada hada taliso ay u furanyihiin inay wadashaqeyn la furaan. Iyaga oo raaciyay in Krf uu abuurayo dhibaato aan jirin, ayna arintaas khal-khalin galin karto hanaanka siyaasada Norway ee hada jira.

Murankan hada soo baxay ayaa iyada oo maalmo ay ka dhimantahay xiliga ay xukuumada Solberg soo bandhigi doonto miisaaniyada sanadkan 2019, oo sida caadiga ah abuurto doodo siyaasadood oo badan.

Xigasho/kilde: Vg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments