Norway; Dowlada oo miisaaniyada ku darsatay soo qaadashada 3000 oo qoxooti cusub ah

0
165

Wasiirada maaliyada Norway ayaa shaley soo bandhigtay soo jeedinta koowaad ee miisaaniyada sanadka 2019. Miisaaniyadan ayaa ah mid kumeel gaar ah, oo aan wali baarlamaanka laga ansixin, waxaana jiro xisbiyo dood weyn ka qabo meel markeeda.

Miisaaniyada sanadka 2019 ayaa lagu xusay in dowlada Norway ay qorsheysay in sanadkan 2019 ay soo qaadato ama dib u dajin u sameyso ilaa 3000 oo qoxooti ah. Tiradaas oo ah mid 880 qof ka badan tii sanadkan 2018.  Norway ayaa kordhinta tirada qoxootiga ay soo qaadaneyso ku micneysay in tirada dadka iskood u imaanaya Norway ay hoos u dhacday.

Xisbiga Venstre ayaa ku faanay inay iyagu sabab u yihiin kordhinta tirada qoxootiga ay Norway soo qaadan doonto sanadka danbe, halka Frp ay muujiyeen inay rabaan in la dhimo tirada dadka qoxootiga ah oo ay Norway dib u dajinta u sameyneyso.

Hey´adda qoxootiga aduunka ayaa isbuucyo kahor dowlada Norway ka codsatay inay dib u dajin u sameyso ilaa 5000 oo qoxooti ah, maadaama ay Norway heysato awooda iyo suurtogalnimada soo qaadashada qoxooti badan.

dalka Sweden ayaa dhankooda soo qaadan doono 5000 oo qoxooti ah, halka Denmark ay gabi ahaanba joojisay inay qoxooti kasoo qaadato xeryahay qoxootiga caalamka.

Xigasho/kilde: Dagsavisen/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments