Gjøvik: Xisbi aan soomaalida lagu baran oo musharax soomaali ah liiska doorashada golaha deegaanka kusoo darsaday

0
101

Xisbiga Senter partiet(Sp) oo kamid ah xisbiyada lagu tiriyo garabka bidix ee siyaasada dalkan Norway, ayaa dhawaan soo saaray soo jeedinta liiska musharaxiinta doorashada sanadka danbe ee 2019 u taagan golaha deegaanka magaalada Gjøvik.

Liiskan oo ka kooban 46 qof ayaa waxaa booska 10-aad kasoo muuqday Cabdulaahi Yuusuf Nageeye(sawirka kore) oo kamid ah siyaasiyiinta soomaalida ah ee magaalada Gjøvik, kana tirsan xisbiga Sp. Nageeye ayaa ah qofka kali ah ee soo galooti ah ee liiskan ku jiro, wuxuuna horey laba mid mar uga mid noqday liiska Sp ee Gjøvik, waxeyna markan noqoneysaa markii sadexaad.

Magaalada Gjøvik oo katirsan gobolka Oppland ayaa waxaa kunool soomaali badan.

Xigasho/kilde: SP.NO/LOKALLAG/GJØVIK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments