Bergen: Haweenay 70-jir ah oo hadal isir naceyb ah ku tiri Sumaya Jirde oo maxkamad la horkeeni doono

0
89
Foto: Erlend Skaug Ingebrigtsen

Sida uu qoray wargeyska Bergens tidende ee magaalada Bergen kasoo baxa, haweenay 70 sano jir ah ayaa maxkamad lasoo taagi doonaa, kadib markii lagu soo eedeeyay inay hadalo isir naceyb ah Sumaya Jirde Cali oo ah qoraa dhalinyaro soomaali ah.

Haweeneydan ayaa qoraal isir naceyb ah oo Sumaya ka dhan ah kusoo qortay qoraal Facebooga ah, waxeyna ku tilmaantay Baranbaro, iyada oo sidoo kalena ka codsatay inay dib ugu noqoto Soomaaliya, ayna halkaas joogto.

Haweeneydan oo la hadashay wargeyska BA ayaa sheegtay ineysan ka qoomameyn doonin hadalka isir naceybka ah ee lagu soo eedeeyay, waxeyna tilmaantay in Sumaya ay qaab wanaagsaneyn ula hadashay wasiiradii soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug, ayna xaq u laheyd iyadu inay ka dareen celiso.

Sumaya ayaa dhankeeda sheegtay ineysan ka warqabin kiiska haweeneydan lagu soo eedeeyay, aysana wax jawaab ah ka bixin karin.

Jirde oo ah qoraa dhalinyaro soomaali ah ayaa caan ka ah warbaahinta dalkan Norway, iyada oo si joogto ah usoo qorto qoraalo ka hadlaya mowduucyo taabanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments