Ap: Dadka xukunada xabsiyada soo dhameysta waa in qasab looga raraa xaafadaha isku raranka ah ee nugul

0
147
Masud: Afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiha

Gudiga uu xisbiga shaqaalaha ee Ap u xilsaaray sameynta siyaasad cusub oo la xiriirta soo galootiga ayaa maanta si dhameystiran usoo bandhigay qodobada ay soo jeedinayaan. Gudigan ayaa sidoo kale horey usoo bandhigay qeybo kamid ah qodobadan ku saabsan soo galootiga, kuwaas oo dhaliyay muran badan(Halkan ka akhri qodobadan) 

Ap ayaa qodobada ay soo jeediyeen waxaa kamid ah in: Dadka soo dhameysta xukunada xabsiyada aan la dajin ama lagu celin xabsiga kadib xaafadaha isku raranta ah ama u nugul inay danbiyo ka dhacaan. Waxeyna sheegeen in arintan ay tahay soo jeedin ka timid. Ap ayaa sheegay in arintan oo khuseyso dadka degan guryaha dowlada.

Gudiga Ap ayaa sidoo kale soo jeediyay in caruurta yar-yar ee degan xaafadaha isku raranka ah ay helaan waqti dheeri ah oo ay joogaan xarumaha xanaanada caruurta ama goobaha caruurta lagu hayo iskuulada kadib. Waxeyna sidoo kale soo jeediyeen inay diyaar u yihiin ganaax lacageed la saaro waalidka ay ilmahooda sabab la´aan uga maqnaadaan iskuulka.

Gudiga Ap ayaa sidoo kale soo jeediyay in wax laga badalo qaabka loo maareeyo dib u dajinta dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub, waxeyna soo jeediyeen in qofka la dajiyo deegaanka ama kommunaha ay u badantahay in qofku uu shaqo ka helo, si loo qaado jaaniskiisa ka qeybqaadashada suuqa shaqada.

Xigasho/kilde: MSN/NTB

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments