Abdul Axmed: Bulshadii Dedaasha wey gaartaa: Golaha deegaanka Bergen oo amaanay soomaalida degan magaaladaas

0
240
Abdul Ahmed: Qoraha maqaalkan
Abdul Ahmed: Qoraha maqaalkan

Qofka kartidiisa waxaa lagu cabiraa horumarka iyo maxsuulka ka dhasha waxqabadkiisa. Waxaan shaki ku jirin in dedaal kasta ee uu qofku sameeyo natiijo lagu diirsado laga gaaro.

Qormadan gaaban waxaan ku eegi doonaa horumarka iyo waxqabadka soomaalida degan magaalada Bergen. Waxaa la sheegaa in ay magaalada Bergen ku dhaqan yihiin dad soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 2000 oo qof. Sida Soomaalida kale ee ku dhaqan qaybaha kala gedisan ee waddanka, waxay u badan yihiin dhallinyaro iyo carruur. Waxay sidoo kale la wadaagaan soomaalida kale cadaadiska saxaafada kaga yimaada soomaalida oo maadaama  soomaalidu isku darsadatay muslinimo iyo midab madow, oo labaduba u nugul in si uun wax looga sheego.

Mid kamid ah golaha deegaanka Bergen oo soomaalida Bergen ku amaanaya wax qabadkooda.

Waxaa hadaba jiray dedaalo ay sameeyeen amaba qaarkood ay soomaalida Bergen hormuud ka ahaayeen. Kuwaas oo lagula tacaalayey ama wax looga qabanayey dhibaatooyinka tirada bada ee Soomaalida iyo muslimiinta soo wajaha. Waxaa dedaaladaas ka mid ah kuwo lagaga shaqaynayey sidii la isugu soo dhawayn lahaa hay’ada maadinta carruurta iyo dadka muslimiinta ah.

Hawluhu waxay soo mareen marxalado kala gedisan, ugu dambayna maanta waxaa jira wada shaqayn buuxda oo u dhexaysa masaajidka Bergen iyo xafiiska ugu sarreeya hay’ada maadinta carruurta ee Bergen (Etat for barn og familie), iyo kuwa degmooyinka ku xeeran Bergen. Wadashaqayntaas waxaa lagu xaliyey dhibaatooyin tiro badan, waxaanna lagu  abuuray kalsooni iyo isu soo dhawaansho labada dhinac ah. Dhinaca kale reer Bergen waxay qeyb firfircoon ka yihiin dallada soomaaliyeed ee  lagu magacaabo (Somalisk familieråd i Norge) Dallada oo ka shaqeysa xallinta dhibaatooyinka qoysaska soomaaliyeed kala kulmaan hay’ada maadinta carruurta. 

Waxaa sidoo kale jiray kulamo ay soomaalida reer Bergen kula qaateen hay’adaha dawliga ah ee degmada Bergen. Kulamo iyo wada shaqayn mudo dheer kadib waxaa farxad u ah soomaalida reer Bergen in golaha deegaanka Bergen bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee soomaalida reer Bergen ka hayaan magaalada Bergen. Taas oo ay ugu horrayso ku ansixiyeen in sare loo qaado aqoonta waalidiinta iyada oo la adeegsanayo barnaamijka caalamiga ah ee horumarinta carruurta (ICDP) iyo circle of security (COS). Taas oo lagu tababarayo dad ka shaqeeya barnaamijyadaas aan soo xusnay.  Waxaa kale oo go,aanka lagu sheegay in dadka soomaaliyeed ee reer Bergen iskood u maalgaliyeen, iyaga oo kaashanaya masaajidka Bergen ayna soo saareen dad u tababaran inay waalidiinta siiyaan barnaamijyada aan kor ku xusnay. Golaha deegaanka ee Bergen waxaa kale oo lagu muujiyey in qorshaha tababarka waalidiinta ee ICDP iyo COS la xoojiyo oo la siiyo waalidiin badan oo ajaanib ah iyadoo lagu bixinayo luuqado kala duwan.

Gabagabadii waxaa sharaf iyo farxad u ah soomaalida reer Bergen in ay lahaayeen talaabadii iyo la socoshadii in golaha degaanka Bergen ugu dambayn ansixiyaan in la xoojiyo barnaamijyada noocan ah.

Alla mahad leh.


W.Q: Abdul Axmed

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments