10% Siiriyaanka loo soo bandhigo inay Norway dib u dajin u sameyso, ayaa diido inay Norway doortaan

0
142
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, 10% dadka kasoo jeedo dalka Siiriya ee Qaramada midoobay ay usoo bandhigto in dib u dajin loogu sameeyo Norway, ayaa diida inay doortaan Norway. Hey´adda UDI-da ayaa aaminsan in dadka diida inay Norway degaan ay tahay mid aad u sareyso.

UDI-da ayaa warqad ay u qortay wasaarada cadaalada ku sheegtay in qof kamid ah tobankii qof ee Suuriya kasoo jeedo ee loo soo bandhigo inay Norway degaan, uu diido in Norway u dajib loogu sameeyo.

Frode Forfang ayaa wargeyska Aftenposten u sheegay in sababha arintaas ay yihiin kuwo badan oo isbiirsaday, wuxuuna tusaale usoo qaatay in dhaqanka iyo qaab nololeedka Norway dadka loo doorto inay Norway degaan, xili danbe loo soo bandhigo. Wuxuuna sheegay inay hey´adda dib u dajinta qoxootiga ee IMDI ay ka dalbadeen in soo bandhigista dhaqanka iyo hab nololeedka Norway lasoo bandhigo xili hore oo prosseska doorashada dib u dajinta ah.

Norway ayaa sanadka danbe sheegtay inay xeryaha qoxootiga caalamka kasoo qaadan doonto ilaa 3000 oo qoxooti ah, kuwaas oo ay dib u dajin u sameyn doonto. Halka qaramada midoobay ay Norway ka dalbatay inay dib u dajin u sameyso ilaa 5000.

 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments