WHO: Sanad walba waxaa sababo la xiriira cabista khamrada u dhinta dad ka badan 3 milyan

0
92

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey´adda caafimaadka aduunka ee WHO, waxaa sababo la xiriira cabista khamrada sanad walba u dhinta dad kor u dhaafaya 3 milyan oo qof. Tiradaas oo ah tiro ka badan wadarta dadka u dhinta cudurada Aids-ka, Tiibiida iyo dagaalada.

Warbixinta WHO oo ka kooban 426 bog ayaa lagu xusay in 5% dad aduunku ku dhinto ay u dhintaan sababo la xiriira cabista khamrida. Dadka ku dhinta shilalka baabuurta ee ka dhasha cabista khamriga ayaa sanadkii lagu qiyaasaa 375.000 qof.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibadda Ethiopia, hadana ah madaxa hey´adda WHO ayaa bandhiga warbixinta ka sheegay in qoysas badan ay waxyeelo kasoo gaarto in cabista khamriga ay ku waayaan xubno katirsan qoysaskooda.

Isla warbixinta ayaa lagu sheegay in 2,3 bilyan qof oo aduunka kunool, da´dooduna ay ka weyntahay 15 sano ay cabaan khamriga.

WHO ayaa soo jeediyay in wadamada caalamku ay sameeyeen taloobaayin dheeri ah oo lagu dhimayo cabista khamriga, waxeyna soo jeediyeen in la mamnuucyo xayeysiinta loo sameeyo khamriga, laguna badiyo canshuurta laga qaado iibinta iyo sameynta khamriga.

Xigashi/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments