Sweden: Xisbiga xagjirka SD oo helay xubin baarlamaan oo dheeri ah, kadib markii la helay natiijo si qaldan loo diiwaangaliyay

0
96

Xisbiga xagjirka midigta fog ee dalka Sweden oo kamid ahaa xisbiyada sanadkan guusha weyn kasoo hoyay doorashada baarlamaanka Sweden, ayaa helay xubin kale oo dheeri ah, kadib markii la helay natiijo codbixin oo si qaldan loo diiwaan galiyay.

Natiijadan cusub ayaa xubnaha baarlamaanka xisbiga SD uu ka helay doorashadan ka dhigeysa 63 xildhibaan. Waxeyna natiijadan cusub farqiga u dhaxeeyo labada isbaheysi garab ee doorashada Sweden ka dhigeysaa 144 kursi oo dhanka bidixda ah iyo 142 kursi oo dhanka midigta ah, farqiga u dhaxeeya labada garab ayaa ah labo kursi oo kali ah.

Xisbiga SD oo ah xisbi u janjeera dhanka midigta fog ayaan wali helin xisbi uu la shaqeeyo, inkasta oo ay wadahadalo ku casuumeen xisbiyada garabka midig. Waxaase muuqato inay siyaasada Sweden saameyn ku yeelan doonaan sanadaha soo socdo, maadaama ay heystaan tirada kuraas ku filan oo ay kuhor istaagi karaan wada shaqeynta xisbiyada garabka midig.

Wali ma cada saameyta natiijada doorashada Sweden ay ku yeelan dowlada Sweden, iyo in meesha ay ka bixi doonto dowlada garabka bidix ee hada talada heysa iyo inkale.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments