torsdag, april 25, 2024

Reysulwasaaraha Sweden oo iscasilay, kadib markii uu waayay codka kalsoonida baarlamaanka

Reysulwasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven ayaa iska casilay xilka reysulwasaarinimo, kadib markii uu Saaka waayay codka kalsoonida baarlamaanka.

Stefan ayaa helay 142 cod oo kali ah, halka ah ka codeeyeen 204 xildhibaan. Stefan ayaa reysulwasaare kasii ahaan doono Sweden ilaa inta laga helayo xukuumad xilka kala wareegta, wuxuuna raaciyay in Hadii mar kale laga codsado inuu xukuumad soo dhiso, uu diyaar u yahay.

Xisbiyda midigta ayaa u Ulf Kristersson oo ah gudoomiyaha xisbiyda Moderaterne inuu yahay qofka ku haboon ee soo dhisa kara xukuumad Ay Sweden yeelato.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x