Norway: Bankiga dhexe oo mar kale kor u qaaday «dulsaarka deynta maamulka»

0
115

Bangiga dhexe ee dalkan Norway ayaa maanta oo khamiis ah, markii afaraad hal sano gudaheed a kor u qaaday dulsaarka(ribada) deynta uu siiyo bangiyada gaarka loo leeyahay, taas oo iyadna markeeda saameyn ku yeelaneyso dulsaarka deynta ay bangiyadu siiyaan dadweynaha caadiga ah.

Dulsaarka deynta bankiga dhexe ayaa loo yaqaan «dulsaarka maamulka», waxeyna udub dhexaad u tahay nidaamka maaliyadeed ee wadanka. Bishii September ee Sanadkii hore ayuu bankiga dhexe markii ugu horeysay mudo 7 sano ah kor u qaaday dulsaarka, maamulka.

Bankiga dhexe ee Norway ayaa dulsaarka deynta uu siiyo kor u qaaday 0, 25%, waxeyna noqon doontaa 1,5 %, halkii markii hore ay aheyd 1,25%.

kor u kacan ayaa ahaa mid ay isku khilaafsanyihiin dadka aqoonta durugsan u leh nidaamka maaliyaadeed iyo saameyntiisa dhaqaale. Norway ayaa ah wadanka kali ah ee bankigiisu dhexe uu kor u qaaday dulsaarka maamulka, xili wadamo kale ee Galbeedka ay hoos u dhigeen.  

Sida ay dadka arintan ku xeel-dheer sheegeen, kor u kaca dulsaarka deynta ee bangiga dhexe ayaa ah calaamad muujineyso in dhaqaalaha Norway uu ku socdo wada sax ah oo uu sii koroyo.

Saameyn intee le´eg ayay kugu yeelan kartaa:

Waxaa laga yaabaa in qofka soomaaliga ah ee qoraalkan akhrinaya uu dhayalsado awooda dulsaarka bangiga dhexe ee Norway, balse waxey saameyn weyn ku leedahay nolosha dadweynaha ee maalinlaha ah, sicirka maciishada suuqa, kirada guryaha iyo mushaaraadka dadka shaqeeyo.

Saameynta ugu badan ee arintan waxaa dareemi doono dadka deymaha waaweyn ka qaatay bankiyada, isla markaana guditaanka deyntaas iyo dulsaarkeeda u bixiya sida bilaha ah. Tusaale ahaan  Deymaha guryaha oo kale oo dhowrkii sano ee ugu danbeysay aheyd mid aad u hooseyso, ayaa hada la filayaa inay kor u kacdo.

Bankiga dhexe ee Norway ayaa sidoo kale sii sheegay inay dhici karto in markale kor loo qaado dulsaarka deynta bankiyada.

Nytt rentehopp: Boliglån på 2 millioner blir 15.600 kroner dyrere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments