Mareykanka oo u hanjabay maxkamada caalamiga ah ee Danbiyada, ICC

0
156

Mareykanka ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ugu goodiyay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono hadii ay sii waddo dacwadda ka dhanka ee muwaadiniinta Mareykanka.

Maxkamadda ayaa xiligan tix galinaysa in dacwad lagu qaado rag u dhashay dalka mareykanka oo lagu eedeeyay inay tacadi iyo xadgudub u geysteen maxaabiis reer Afghanistan ah.

La taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Mareykanka, John Bolton ayaa sheegay in Mareykanka uu sameyn doono waxkasta «oo uu ku difaacayo muwaadiniintiisa».

Mareykanka ayaa ka mid ah waddamada aanan sixiixin in ay ku biiraan Maxkamadda Caalamiga ah oo la aasaasay 2002.

Maxkamadda ICC ayaa baarta oo cadaaladda hor keenta dadka ka mas’uulka ah xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada iyo dambiyada dagaalka.

Khudbad uu ka jeedinayay magaalada Washington ayuu Mr Bolton ku sheegay: «Haddii maxkamadda ay ka hor timaaddo Mareykanka, iskama aamusi doonno».

Xaakimiinta iyo dacwad oogeyaasha ee ka hawl gala Maxakamadda ICC waxaa laga mamnuuci doonaa in ay soo galaan dalka Mareykanka sidoo kalana waxaa la laga cunaqabatayn doonaa lacagohooda u yalla Mareykanaka.

«Waxaan inagana ku dacweyn doonaa sharciga dambiyada ee Mareykanka. Waxaan sidaasi si la mid ah ku samyn doonnaa shirkadaha iyo waddamada Maxakamdda ICC ka caawinaya baarintaanada ay ku sameeynayaan muwaadiniinteena».

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments