Listhaug oo noqotay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Frp

0
114
Photo: Ze'ev Yanai

Wasiiradii hore ee soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa maanta xisbigeeda Frp uu u doortay inay noqoto gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas. Waxeyna xilkaas kala wareegi doontaa wasiirkii kaluumeysiga Norway, Per Sandberg oo isbuucyo kahor iska casilay xilka wasiirnimo iyo waliba kan gudoomiye ku xigeenka Frp.

Sylvi Listhaug oo caan ku aheyd siyaasad adeega soo galootiga, ayaa horey loo saadaalinayay inay noqon doonto gudoomiye ku xigeenka xisbigaas, maadaama ay taageero badan ku dhex leedahay gudaha xisbigeeda.

Listhaug ayaa bilo ka maqneyd saaxada siyaasada, kadib markii lagu qasbay inay iska casisho xilkii wasiirka cadaalada iyo soo galootiga, kadib markii uu baarlamaanku uu ku qabsaday qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooga.

Ketil Solvik-Olsen oo ahaa wasiirkii gaadiidka iyo wadooyinka ayaa isna golaha dhexe ee xisbiga Frp uu mar kale u doortay inuu sii ahaado gudoomiye ku xigeenka labaad ee Frp. Ketil ayaa isbuucii hore iska casilay xilka wasiirnimo, isaga oo ku sababeeyay arimo shaqsiyeed iyo qoyskiisa la xiriira.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments