Liibaan Cabdi oo Soomaali Norwiiji ah : Intii aan Soomaaliya u ciyaari lahaa, waan caawin

0
106
Foto: Skjermdump/vg

Liibaan Cabdi waxaa ciyaaryahan heer caalami oo asalkiisu uu soomaali yahay, balse heysta dhalashada NORWAY. Liibaan ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay inuu  ku riyoon jiray inuu u ciyaaro xulka qaranka Norway, laakiin hadda wuxuu rajeynayaa iney soo hagaageyso xaaladda waddankii uu ku dhashay sidaas awgeedna uu u ciyaari kari lahaa.

Ciyaartoygan 29 jirka ah ayaa xirfaddiisa ciyaartoynimo ku billaabay kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Sheffield United, isagoo ay isku koox ahaan jireen xiddigaha koobka adduunka ee Kyle Walker iyo Harry Maguire.

Wuxuu sidoo kale ka soo ciyaaray kooxo ka kala dhisan dalalka Hungary, Turkiga, Portugal, Norway iyo Sacuudiga.

29 jirkaan ayaa waxaa muddo ka badan 10 sano soo dalbaneysay Soomaaliya isaguna wuxuu jeclaa inuu u ciyaaro Norway.

«Dabcan waa dalab – Soomaaliya wali waxay qeyb muhiim ah ka tahay qofka aan ahay. Laakiin ma aha wax aan iska sameyn karo ilaa uu meeshaas ka dhaco isbaddal weyn,» sidaas ayuu ku yiri barnaamijka ciyaaraha ee BBC-da.

«Wali waa meel cabsi leh oo aan lagu ciyaari karin, waxaan ka walwali lahaa dadka isku dayaya iney igu qasbaan sameynta waxyaabo anaan raalli ka ahayn. Waxaan diiday inaan noqdo ciyaaryahan loo adeegsado borabogaadada. Musuqmaasuqa xitaa wuu jiraa.

«Markii ugu horreysay ee ay isoo waceen masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) waxaan u ciyaarayay kooxda da’da yar ee Norway, runta markaan ka hadlana xilligaas mustaqbalkeyga waxaan uga jeeday qaranka Norway.

«Ma aanan dareemeynin inaan ka go’ay Soomaaliya, runtii sidaas liddigeeda ayeyba ahayd.

«Waxaan ku fikirayay inaan ku biiro koox Soomaaliya ka weyn oo aan u ciyaaro Norway, taasina ay hor seedeyso magac weyn iyo inaan awood u yeesho sidii aan gacan uga geysan lahaa dib u dhiska Soomaalia oo ah wax qabad ka weyn in loo ciyaaro.»

Qodobbada uu ka hadlay ayaa ah kuwo uu gar u leeyahay. Soomaaliya ciyaaro caalami ah kama aysan qeyb galin muddo 16 bilood ah, waqti xaadirkanna waxay meesha ugu hooseysa uga jirtaa qiimeynta kooxaha ciyaaraha ee FIFA, iyadoo ay booska 206-aad iskula jiraan dalalka Eritrea iyo Tonga.

Cabdi waxaa ka go’an inuusan dayicin waddankii uu ku dhashay, wuxuuna helay waddooyin kale oo uu gacan uga geysan karo horumarka kubadda cagta ee Soomaaliya.

«Waxaan sameeyay xoogaa yar oo dhaqaale uruurin ah waxaana diray xoogaa qalabka kubadda cagta ah – waxaana arrimahaas kala shaqeeyaa hay’adaha aan dowliga ahayn ee NGO-yada iyo ururrada samafalka, sidaas darteedna taas waxay ahayd waddo fiican oo aan ku caawin karo.

«Dabcan waan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Soomaaliya maalin maalmaha ka mid ah waana ogahay iney taas wax fiican ka soo bixi karaan. Laakiin nasiib darro waddanku wali ma uusan gaarin heerkaas».

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments