(Lamafilaan!!) Gudoomiyaha KRF, waxaan rabaa inaan ridno xukuumada Erna Solberg, aana la shaqeyno xisbiga Ap

0
88
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Arild Hareide ayaa maanta si lama filaan ah xubnaha hogaanka xisbigiisa uga codsaday inay qiimeeyaan, sidii xisbigiisu uu wadashaqeyn ula furi lahaa xisbiyada Ap iyo Sp, si ay meesha uga tuuraan xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Ern Solberg.

Taladeydu waxey tahay in la joogo xiligii aan baari laheyn fursadaha hirgalinta in wadashaqeyn lala sameeyo xisbiyada Ap iyo Sp, ayuu sheegay Hareide oo maanta khadka telefoonka kula xiriiray gudoomiyaha xisbiya shaqaalaha ee Ap, Jonas Gahr Større. 

Gudoomiyaha Krf ayaa sheegay in xisbigisu uusan kusii jiri karin xaalada uu hada ku suganyahay ee labada garab dhexdood ku lumay, wuxuuna raaciyay inay ku qasbanyihiin inay labada dhinac mid raacaan, ayna xukuumada kamid noqdaan, si ay u helaan awood wax fulineed.

Xisbiyada Krf, Ap iyo Sp ayaa isku dar heysta 76 xubnood oo baarlamaanka ah, waxeyna u baahanyihiin 9 xildhibaan, si ay u helaan aqlabiyad baarlamaanka. Xisbiyada Sv, Rødt iyo MDG ayaa la filayaa inay taageeraan xukuumad garabka bidix u janjeerta.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, ayaa qoraal uu bartiisa Facebooga kusoo qoray sheegay in gudoomiyaha xisbiga Krf uu qaaday talaabo taariikhi ah, geesinimana ay ku dheehantahay.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Krf ay rabaan inay awooda ka tuuraan xukuumada.

Waxaa islamarkiiba soo baxday in xubnaha xisbiga Krf aysan isku waafaqsaneyn go´aanka uu maanta ku dhawaaqay gudoomiyaha xisbigaas.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa xiligan ku maqan New-York oo ay kaga qeybgaleyso shirka sanadlaha ah ee qaramada Midoobay. Walina war kama aysan soo saarin khatarta cusub ee uga timid hogaanka xisbiga Krf oo raba inay meesha ka tuuraan.

Wixii war kusoo kordha arintan, dib ayaan kusoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments