Jarmalka: Dibadbaxyo looga soo horjeedo dil loo gaystay wiil dhalinyaro ah

0
97

Xisbiga midigta fog iyo kooxaha ka soo horjeeda muhaajirinta ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada ka dhacay magaalada Köthen ee bariga Jarmalka, halkaas oo nin Jarmal ah lagu dilay mar sii horeeysay kadib markii sida la sheegay ay dileen niman ka soo jeeda dalkaasi Afghanistan.

Booliska ayaa la geeyay goobta si ay uga hortagaan isku dhacayo iyo rabshado ka dhaca halkaasi. Duqa magaalada ayaa shacabka u sheegay in ay guryahooda iska joogaan.

22 jirkan oo ku dhintay dagaal uu la galay niman muhaajiriin ah ayaa la sheegay In uu qabay xanuunn dhanka wadnaha ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay ay muujinayaan in dhibanaha uusan u dhiman dhaawaca madaxa ka soo gaaray dartii.

Maanta oo axad ahayd, koox dad ah ayaa lug ku marayay caasimadda kuwaasi oo shitay shumacyo lagu xusayo dhibanaha.

Warbaahinta Jarmalka ayaa soo xiaganaysa dad goobjoogeyaal ah oo sheegaya in dagaalka Köthen uu ka dhacay meel banaan ah kadib markii ninka dhintay iyo walaalkii uu muran dhex maray laba nin oo ree Afghanistan ah.

«Labada nin ee reer afghanstan ayaa markii hore loo xiray dilkaasi,» booliska ayaa sidaa sheegay.

Magaalada Chemnitz waxaa lagu xiray nin Suuriyaan ah iyo mid kale oo Ciraaqi ah kadib markii nin 35 sano jir Jarmal ah toori lagu dilay 26-kii bishii August.

Dhacdaan ayaa sababtay iska hor imaadyo u dhaxeeya xisbiga midigta fog iyo dibadbayeyaal ka soo horjeeda Naziga.

Sanadkii 2015-kii hogaamiyaha Jarmlka Angela Merkel ayaa go’aansatay in ay soo dhaweyso qaxooti gaaraya 890,000, tiradaasi oo noqotay tii ugu badnayad.

Suuriyiinta ka soo cararay dagaal sokeeye ayaa 43% ka qaxootigaasi.

Markel iyo xulafadeeda ayaa arintas darteed waxa ay doorashdai sanadkii tagay ka dhacday Jarmalka ay ku waayeen taageerayaal badan, waxaana kuraasta ugu badan baarlamaanka ku guleeystay xisbiga ka soo horjeeda muhaajiriinta ee AfD.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments