Jaamac: Wuxuu ku wargaliyay inuusan dumarka gacanta ku salaamin: Waxaa laga baajiyay wareysiga shaqada

0
209

Sida uu qoray NRK iyo wargeysyo kale oo wadankan Norway ah, wiil soomaali ah 20 sano jir ah ayaa laga baajiyay wareysi shaqo(intervju) oo ku lahaa xarunta boostada Oslo, kadib markii uu soo wargaliyay inuusan salaamin dumarka sababa la xiriira.

Haweeneyda balanta wareysiga la laheyd wiilka soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac, ayaa sheegtay ineysan la kulmi karin, kadib markii uu si horudhac ugu wargaliyay inuusan dumarka afka mooyaane, gacanta ka salaamin.

Haweeneydan shaqo bixiyaha ayaa sii raacisay ineysan goobteeda shaqada ka shaqaaleysiin karin qof aaminsan fikirada noocaas ah, aysan ka shaqaaleysiin karin goobteeda shaqada

Ma ahan markii ugu horeysay oo qof soomaali ah shaqo looga horistaago arimo la xiriira salaanta dumarka. Isbuucyo kahor nin kale oo soomaali ah ayaa sidoo kale loo diiday in loo cusbooneysiiyo waqtiga shaqada, kadib markii ay macalimiinta dumarka ah ee dhiga iskuul uu macalin ka ahaa ay sheegeen inuusan gacanta ka salaamin.

Xigasho/kilde: NRK-HALKAN KASII AKHRI

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments