(Fariin)-SOMI: Waxaan baaritaan ku saabsan dhibaatada sharciyada UDI-da la wadnaa machadka Prio iyo SFI

0
143

W.Q: Maxamed Cabdulqaadir- Ururka xuquuqul insaanka soomaalida Norway


Machadyada ISF/ PRIO iyo anaga oo ah ururka Xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee SOMI ayaa dhawaan bilaabi dono xog uruurin cilmiyeysan oo ku saabsan dhibaatada ay ku leedahay bulshada soomaaliyeed ee Norway sharci kala noqoshada daganaanshaha iyo dhalashada dalkan Norway oo sanadadii ugu danbeeyay ay ku howlaneyd hey´adda UDI-da.

Kala noqoshada sharciyada degenaanshaha iyo dhalashada dalkan Norway ayaa ku yeelatay saamayn baaxad wayn leh iyo dagaansho la´aan soomaalida dalkan kunool. Taas oo dhibaato badan u gaysatay isdhexgalka bulshada iyo nolosha dad badan. Si taas loo ogaado ayaa waxaan bilaabaynaa xog uruurin cilmayaysan oo aan waraysiyo la yeelanayno dadka lagala noqday sharciyada daganaanshaha iyo dhalashada dalkaan, eheladooda ama asxaabtooda iyo dadka u dhaqdhaqaaqa somalida norway si aan u fahamno baaxada dhibtu ay le egtahay.

Barnaamijkaan waraysiyada ayaa soconaya ilaa bisha December 2018. Halka warbixinta oo dhamaystiran oo qaab cilmayaysan loo qoray ay soo baxayso bisha April 2019.

Soomaalida kunool wadankaan waxaan ka codsanaynaa inay nagala shaqeeyaan in hab cilmayaysan loo soo saaro barnaamijkaan oo aan aaminsanahay inay wax wayn ka badali doonto hadii sida saxda ah aad uga qayb qaadataan.

Waxaa xusid mudan 29 August 2018 inaan soo gabagabaynay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhibta gaartay dadka 1600 oo soomaalida ah oo sharciyada degenaanshaha laga haysto, sidoo kalana inay warbixintaas cadaystay dhibaatada uu gaystay go aanka wasaarada cadaalada dalka norway ka soo baxay 31 march 2016.
Sidoo kale waxaa xusid mudan inaan la wadaagnay warbixintaas hayada qaramada midoobay ee UNHCR qaybteeda woqooyiga yurub.

Qore: Mohamed Abdulkadir Gudoomiya ururuka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee Norway.


Waxaad nagala soo xiriiri kartaa sominorway@gmail.com
www.sominor.com ama tellka 94818899

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments