Denmark: Maxkamad musaafuris ku xukuntay 22-sano jir soomaali ah oo maskax ahaan xanuunsan

0
89

Sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee magaalada Aalborg ee dalka Denmark, maxkamada magaaladaas ayaa xukun lix sano oo musaafurin ah ku xukuntay 22-sano jir soomaali ah oo la xaqiijiyay inuu maskax ahaan u xanuunsanyahay.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay danbi ah inuu geedo ku tuuray wadada ay baabuurta maraan, inkasta oo aysan jirin cid ku dhaawacanyahay ama waxyeelo hantiyeed oo ka dhalatay geedaha uu ninkan ku tuuray wadada. Dhacdadan ayaa dhacday dhamaadka bishii Desember sanadkii 2016.

Sida uu qoray wargeyska jydskevestkysten, Baaritaan dhanka caafimaadka ah oo 22-sano jirkan soomaaliga ah laga qaaday ayaa lagu cadeeyay in caafimaadka maskax uusan aheyd mid dhameystiran.

Julia Jensen oo ah qareenka ninkan soomaaliga ah ayaa sheegtay in maadaama la cadeeyay in 22-jirkan uu xanuunsanyahay, in go´aanka maxkamada ee musaafurinta ah uu yahay mid ka hor imaanayo xeerarka caalamiga ah, hadii lagu celiyo Soomaaliya.

Xigasho/kilde:jydskevestkysten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments