Cabdirisaaq Xuseen: Guusha Xildhibaan Leyla Cilmi waa Taariikh wax badan laga xusi doono Sweden

0
168
Foto: Facebook Page- Leila A Elmi

Qoraalkan iyo maqaalkan hoose waxaan gabi ahaantii kasoo guurinay boga Cabdirisaaq Xuseen, ee AbdirisaqHusein.Wordpres.com(Halkan riix)


C.risaq Maxamed Xuseen dheere Master’s Degree in Economics Eskilstuna, sweden

Waxaa la tiriyey dhamaan codadkii waaxaha iyo degmooyinka kala duwan ee Sweden, waxaa la tiriyey dhamaan codadkii dadka iswiidhishka ah ee dibada ku dhaqan, waxa la tiriyey oo lasoo afjaray codadakii caasimada labaad ee sweden, Gothenberg (Göteborg). Xildhibaanad Leila A Elmi ayaa ku guuleysatay mid ka mid ah labada kursi ee xildhibaanimo ee uu xisbiga cagaaran( miljöpartiet ) ku leeyahay caasimada labaad ee Sweden, Gothenburg. Leila ayaa waxaa ay qortay  taariikh wax badan laga xusi doono dalkaan Sweden.Taariikhda waxaa ugu wanaagsan ,ugu dareen iyo dhadhan fiican mida guusha ee aad hesho wakhtiga adag ee aad ee aad u baahan tahay guusha. Guusha Leila waxaa ay noo timid wakhti xasaasi ah oo xisbiyada xag-jirka kor u kacayaan.

Codkii ay  Leila ka heshay magaalada Gothenburg ayaa Leila kasoo qaaday booska 21`aad ee liiska musharaxiinta xisbiga ee baarlamaanka qaranka , waxaana uu codkaasi suurtogeliyey iney Leila noqoto NR ONE! Kuna guuleysatay xubin xildhibanimo heer qaran Sweden- Waxaa ay Leila fariisan doontaa baarlamaanka qaranka Sweden ( Riksdagen) oo ah hay`ada sharci dejinta ee ugu saraysa dalka sweden. Ololaha Leila iyo Team Leila ayaa noqday mid guuleystey, dalka oo dhana laga hadal hayo.Wargeyska GP  ee kasoo baxa magaalada Göteborg ayaa qaabka loo meelmariyey ololaha Leila ku tilmaamay mid si wacan loo agaasimey oo lagu guuleystey. Guusha Leila ayaa waxaa ay kor u qaadi doontaa magaca guud ee soomaalida iyo guud ahaan ajaaniibta,gaar ahaan waxaa si toos ah u muuqan doona  kaalinta waxtar iyo howl karnimada hablaha soomaaliyeed.

Sanad ka hor doorashada Sweden ayaa aqoonyahan badan oo aan ka mid ahay iyo dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa dejiyeen qorshe aan ugu magac darnay “ Waan guuleysan karnaa”. Qorshahaan oo ahaa qorshe wacyigelin ah  ayaa ku wajahnaa in dadka soomaaliyeed ee reer sweden, ugu horeyn lagu baraarujiyo awooda ay leeyihiin kolka la codeynaayo, maadaama aanu haatan ku dhownahay ilaa 100 kun oo qof oo soomaali ah.Inta badan gobollada sweden ayaan marnay. Waxaan kaloo si aad ah u isticmaalnay baraha bulshada qaybahooda kala duwan.

Qaybta kowaad ee qorshaha “ waan guuleysan karnaaa” waxaa uu ahaa in dadka la dareensiiyo awoodooda. Qaybta labaad  ee qorshaha ayaa ahaa  in musharaxiinta soomaaliyeed ee xisbiyada kala duwani xiriir wanaagsan yeeshaan maadaama danta guud ee bulshada soomaaliyeed isku mid tahay. Dhiirigelin xoogan ayaan qodobkaan ka samaynay, iyadoo aan la kulanay siyaasiyiin badan, qaarna kula xiriirnay baraha bulshada , waana isla qaadanay qodobkaas. Qaybta saddexaad ee qorshaha “ Waan guuleysan karnaa” ayaa ahaa in la isu tanaasulo, shacabkuna ay taageeradooda siiyaan xildhibaanada haysta fursad wanaagsan oo ay kusoo bixi karaan. Teamkii ka shaqeynayey barnaamijka “ waan guuleysan karnaa” waxaan isla garanay inaan taageero dhinacyo badan leh siino musharaxiinta fursada u haysta  iney ku guuleystaan kursiga baaralaamka qaranka Sweden. Yoolkayagu waxaa uu ahaa inaan ugu yaraan hal xildhibaan oo heer qaran ah helno. Xisaab, iyo abla- ablayn  qota- dheer ka dib waxaan isku raacnay inaan xildhibaano dhowr ah oo ay ugu horeyso Leila A Elmi la taageero. Dadaal iyo wacyigelin dheer ka dib waxaa  maanta la gaaray wakhtigii guusha. Waxaana aynu maanta, hadaan nahay soomaalida Iswiidhan haysanaa xildhibanad  xubin ka ah golaha shacabka Sweden.Waxaan helnay buudo saamayn weyn yeelan doonta oo isku xirta jaaliyada soomaaliyeed ee Sweden iyo golaha shacabka ee sharci dejinta Sweden. Xildhibaanad Leila ilaahay xilkaa muhiimka ah haku asturo, hana u fududeeyo guulaha aan ka sugeyno.

Qaybta afraad ee  qorshahaan “ waan guuleysan karnaa” uu lahaa ayaa ahayd in siyaasiyiin badan oo soomaali ahi soogalaan golayaasha kala duwan ee dalka, sida degmooyinka iyo gobollada.Waxaan dhalinyarada ugu baaqnay iney siyaasada gaalaan oo kasoo muuqdaan meelaha go`aamada muhiima ah lagu gaaraayo. Taasna waa lagu guuleystey oo xildhibaano kala duwan oo golayaasha hoose ah ayaan helnay. Waxaa ay hadda dadka baarlamaanada gobollada iyo degmooyinka soo galay kor u dhaafayaan ilaa labaaaneeyo. Waxaan ka xildhibaano badanahay hadaan soomaali  qowmiyado dalka nooga badan, noogana soo horeeyey.

Guusha xildhibaanad Leila waxaa ay horseed u noqon doontaa in guud ahaan karaamada iyo sharafta dadka soomaaliyeed meel sare gaaro,gaar ahaan magaca habalaha soomaaliyeed, lana ogaado in hablaha soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarta bulshada. Waxaa siyaasada iyo jagooyinka sare ee dalka damac ka geli doonaa dad badan oo soomaali ah. Waxaa dad badani helayaan kalsooni buuxda oo ay ummaddaha kale wax kula qaybsadaan.Waxaana la wada yaqiinsan doonaa inaan si wadajir ah u guuleysan karno, magaca soomaaliyeedna aan meel fog gaarsiin karno.  Waxaa kale oo guusha soomaalida Sweden iyo naqshadaha cajiibka ah ee ay isticmaaleen dhiirigelin iyo ku dayasho u tahay wadamada yurub gaar ahaan soomaalida wadamada Iskandaneefiyaanka ah ee deriska Sweden la ah. Kuwaasoo aan weli ku guuleysan iney helaan xildhibaano heer feredaal ah.

Mahad balaadhani ha gaarto dhamaan ummada soomaaliyeed dal iyo dibadba. Waxaan u mahadcelineynaa soomaalida sweden, gaar ahaan soomaalida magaalada Göteborg  iyo dhamaan dadkii ajaaniibta kala duwan iyo Iswiidhishka ahaa ee codkooda siiyey xildhibaanad leila Ali. Reer Göteborg amaan iyo kudaysho ayey mudan yihiin.

Dabaysha iyo saxansaxada guusha ayaa dul heehaabeysa meel kasta oo ay ku nool yihiin dadka soomaaliyeed.Waxaan dhihi karaa waxaan cagta saaray wadadii guusha ee inoo duceeya dadaalkana aan sii kordhino.

Mahadsanidin

Abdirisak Hussein ( Abdirisak Eskilstuna)

Abdirisak67@hotmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments