Wasiirkii kaluumeysiga Norway oo «Is jiid-jiid dheer» Kadib xilka iska casilay

0
154

Wasiirkii kaluumeysiga dalkan Norway, ahaana gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Frp, Per Sandberg ayaa cadaadis badan kadib iska casilay xilkii wasiirnimo. Isaga oo sidoo kalene iska jagadii gudoomiye ku xigeenka xisbiga Frp oo uu kamid ahaa hogaangiisa sare.

Is casilaada wasiirka ayaa timid kadib ayaa timid kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada dalkan Norway, ayna shir gudoomineysay reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg.

Per Sandberg oo kamid ahaa siyaasiyiinta loogu hadalheynta badanyahay dalkan Norway ayay u muuqataa in waayihiisa siyaasadeed ay soo afmeerantay, uuna ku qasbanaan doono inuu raadsado mihnad cusub oo nololeed. Sandberg ayaa ahaa siyaasi hadal qalafsan, wuxuuna kamid ahaa xubnaha xisbiga Frp ugu caansan, marka laga hadlayo arimaha diidmada soo galootiga.

Wasiirkan ayaa sababsaday fasax uu ku tagay dalka Iiraan, ayna ku wehelisay haweenay uu dhawaan saaxiib(gacaliso) ka dhigtay, taas oo iyadna kasoo jeedo dalka Iiraan. Safarkan ayuu Per Sandberg ogeysiinin xubnaha wasaaradiisa iyo xafiisyada dowlada ee ku howleh socdaalka xubnaha dowlada.

Waxaana markii danbe cadaatay inuu horey usii qaatay telefonkiisa gacanta, taas oo keentay shaki ah in sirdoonka Iiraan ay mobilka gacanta ee wasiir hore Per Sandberg kala bixi kareen siro iyo macluumaad ay leedahay dowlada Norway.

Xisbiyada mucaaradka ayaa reysulwasaaraha Norway ku cadaadinayay inay talaabo ka qaaday wasiirkeeda kaluumeysiga oo ay ku eedeeyeen inuusan u dhaqmin hab masuulnimo ah.

Per Sandberg ayaa noqonayo wasiirkii labaad ee katirsan xukuumada Solberg, oo shaqada isaga tagay cadaadis iyo fadeexad kadib. Wasiiradii hore ee soo galootiga, Sylvi Listhaug ayaa bishii maarso ee sanadkan iyadna ku qasbanaatay inay shaqada isaga tagto, kadib qoraal ay ku qortay barta Facebooga.

Per Sandberg ayaa shir jaraaid oo uu qabtay weerar ku qaaday wariyayaasha iyo saxaafada dalkan Norway, isaga oo sheegay iney buun-buunin qaloocis badan kujiro ay ka sameeyeen kiiskiisa. Ayna abuureen xaalad aan jirin.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments