Wasiirka katirsan dowlada Norway oo lagu heysto fasax qarsoodi ah uu ku tagay dalka Iiraan

0
111
Foto: Youtube

Wasiirka kaluumeysiga dalkan Norway, Per Sandberg oo katirsan xisbiga FRP ayaa maalmahan la kulmayay dhaleeceyn dhinacyo badan ka imaaneyso, kadib markii a soo baxday in fasax qarsoodi ah uu ku tagay dalka Iiraan, isaga oo aan ogeysiin howlwadeenada wasaaradiisa.

Per Sandberg oo ay weheliso haweeney uu dhawaan saaxiib(gacaliso) la noqday ayaa fasax ku tagay dalka Iiraan oo katirsan wadamada ay Norway ku tiriso in looga tunto xuquuqda bini-aadamka in xoriyada hadalka. Waxaana socdaalkooda xiiso gaar ah usii yeelay, in haweeneyda saaxiibta cusub ee Per Sandberg ay asal ahaan kasoo jeed dalka Iiraan, ayna qoxootinimo kusoo gashay wadankan sanado kahor.

Haweeneyda reer Iiraan ee saaxiibka la ah wasiirka kaluumeysiga Norway, Per Sandberg ayaa iska leh shirkad dhoofiso kaluunka, waxaana su´aal laga saaray dhex-dhexaadnimada xiriirka ka dhaxeeya labadooda.

Erna Solberg: Wuxuu jabiyay sharciga

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa wasiirkeeda kaluumeysiga Per Sandberg ku eedeysay inuu jabiyay xeerka wasiirada, iyada oo sheegtay inay aheyd inuu ka taxadaro arinta. Waxeyna raacisay in qofka wasiirka ah uu mar walba wato shaarka wasiirnimida, xitaa hadii uusan markaas shaqada kujirin.

Agaasimayaashii hore ee qeybta sirdoonka hey´adda nabad sugida dalkan Norway ayaa sidoo kale wasiir Sandberg ku dhaliilay inuu dhayalsaday khatarta uga imaan karta safarka uu ku tagay dalka Iiraan, isaga oo horey usii qaatay mobilka shaqada. Waxeyna sheegeen inay hubaal tahay in laamaha sirdoonka dalka Iiraan ay ka warqabeen socdaalkiisa, ayna dhici karto inay mobilkiisa gacanta kala baxeen macluumaad sir u ahaan kara dowlada Norway.

Xubno katirsan xisbiga Frp ayaa sidoo kale caro ka muujiyay socdaalka Per Sandberg ee dalka Iiraan, waxeyna soo jeediyeen inuu ka tago xilalka siyaasadeed ee uu xisbiga ka dhex hayo.

Per Sandberg ayaa dhankiisa qirtay dhaleeceynta loo soo jeediyay, wuxuuna qiray inay aheyd inuu ka fiirsado socdaalka noocaas oo kale ah, ayna aheyd inuusan horey usii qaadan mobilkiisa gacanta.

Wasiirkan ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu hadalka qalafsan siyaasada Norway guud ahaan, gaar ahaan xisbiga Frp ayaa hada wajici doono qaar kamid ah hadalo uu horey

Xigasho/ilde: Aftenposten , NRK, VG, DAGBLADET

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments