Wasiirka cadaalada Norway: Waxaan rabaa in la joojiyo taageerada dhaqaale ee la siiyo xarumaha cibaadada muslimiinta!!

0
101
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Wasiirka cadaalada iyo amniga dalkan Norway, Tor Mikkel Wara oo katirsan xisbiga Frp ayaa sheegay inuu rabo in gabi ahaanba la joojiyo taageerada dhaqaale ee dowladu ay siiso goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah. Wuxuuna dhanka kale raaciyay inuu rabo inay sii socoto taageerada dhaqaale ee dowladu ay siiso kaniisadaha Norway.

Wasiirka oo la weydiiyay in xisbigiisu uu arintaas la qabo, ayaa si cad u qeexay in barnaamijka xisbiga Frp ay ku qeexeen inay kasoo horjeedaan taageerada la siiyo goobaha cibaadada ee dadka muslimiinta ah.

Tor Mikkel Wara oo lix bilood kahor la wareegay xilka wasiirka cadaalada Norway ayaa sheegay ineysan  habooneyn in dowladu ay dhaqaale ku taageerto xarumo horistaag ku sameyn kara isdhexgalka bulshada. Wuxuuna ku adkeystay in xitaa hadii ay jiraan goobo cibaado oo muslimiintu ay leeyihiin oo ka shaqeeyo isku soo dhawaanshaha bulshada, aysan habooneyn inay helaan taageerada dhaqaale ee dowlada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay jiraan xarumo cibaado oo Kirishtan ah oo kasoo horjeedo, tusaale ahaan xuquuqda dadka loo yaqaan «Gay»-ka ama adeegsado gacan ka hadal, aysan mudneyn inay helaan taageerada dhaqaale ee dowlada.

Xigasho/kilde: abc-nyheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments