Switzerland: Lamaane loo diiday qaadashada baasaboorka Switzerland, kadib markii ay diideen inay gacanta ka salaamaan shaqaalaha dowlada

0
253

Labada qof oo is qaba oo Muslim ah ayaa loo diiyay dhalashada dalka Switzerland, kadib markii ay diideen in ay gacanta ku salaamaan dad ajinabi ka ah xilli la weeydiinayay su’aalo la xiriira qaadashada baasaboorka dalkaas. Qoyskan ayay warbaahinta lokalka ah sheegeysaa inay kasoo jeedeen galbeedka Afrika.

Lamaanaha ayaa waxaa su’aalo ku saabsan muwaadinimada ay dalbadeen la weydiiyay dhowr bilood ka hor, waxa ayna dhibaato ka mareen jawaabtii su’aalaha quseeya jismiga kala duwan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii gabadh Muslimad ah oo reer Swidish ah ay shaqa ay dalbatay weysay kadib markii ay diiday in gacan qaaddo qof ajinabi ka ahaa balse markii dambe waxa ay heshay magdhaw.

Dowlada Switzerland ayaa sheegtay in dadka doonaya in ay muwaadiniin ka noqdaan wadankaas, ay dhex galaan bulshada Swis, s sidoo kalanaay  xushmeeyaan sharciga waddankaas.

Duqa magaalada Lausanne, Gregoire Junod ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xorriyadda diinta ay ka mid tahay sharciyada waddanka balse ma ahan in dhaqamada diinta ay ka sarrayaan sharciga.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in lammaanaha aan la waydiin wax ku saabsan diintooda, inkastoo ay u muqaatay mid aan sal lahayn, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Saraakiisha ayaa si adag uga hadlay in aan loo diidin wax la xiriira diintooda balse xushmad la’aantooda ku aaddan sinnaanta jinsiga.

Pierre-Antoine Hilbrand oo qayb ka ahaa guddiga waraysiga la yeeshay lammaanaha ayaa yidhi: «dastuurka iyo sinnaanta ragga iyo dumarka ayaa ka sarraysa mayal adayga indhaha la'»

Maahan markii ugu horraysay diidmada gacan qaadku ama salaanta in ay muran ka dhliso dalka Switzerland.

Sanadkii 2016-kii, ayaa Iskuul kuyaal dalka Switzerland laga eryay labo wiil oo Musliim ah ay diideen in ay gacan qaadaan macallimiinta oo dhan rag iyo dumarba. Sheekadan ayaa dhalisay buuq keenay in qoyskaas laga joojiyo qaadashada dhalashada dalkaas.

Dalka dariska la ah Switzerland ee Faransiiska, ayaa haweeney u dhalatay dalka Algeria looga diiday muwaadinnmada dalkaasi kadib markii ay diiday in ay gacanta ku salaanto sarkaal intii lagu guda jiray xafladdeedii muwaadinnimada.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments