Sweden: Xisbiga xagjirka ah ee SD: Waxaan rabnaa in Somaliland dal ahaan loo ictiraafo

0
135

Dalka Sweden waxaa sagaalka bisha soo socoto ee September ka dhici doonto doorashada baarlamaanka dalkaas oo sanadkan leh xiiso iyo xamaasad gaar ah. Waxaana wali muuqato inaan lasii saadaalin karin xisbiyada ku guuleysan karo doorashadan, maadaama codbixinada qaabka online-ka ah loo qaado ay hadba dhinac isku badalayaan.

Mid kamid ah xisbiyada la saadaalinayo inay codadka ugu badan kasoo hoyaan doorashadan ayaa ah xisbiga Sverigedemokraterne oo ah xisbi u janjeera midigta xagjirka ah ee fog, si aad ahna uga soo horjeedo soo galootiga dalkaas Sweden kusoo qul-qulayay 10-kii sano ee ugu danbeeyay. SD oo sanado kahor ahaa xisbi yar oo aan latirsan, ayaa sanadkan la saadaalinayaa inay doorashadan noqdaan xisbiga sadexaad ama labaad ee codadka ugu badan ka keeni kara doorashada.

Waxaan rabnaa in Somaliland iyo Kurdistan dal ahaan loo ictiraafo: 

Wargeyska Nettavisen ee dalkan Norway ayaa shaley soo daabacay warbixin dheer oo uu ka qoray siyaasada iyo barnaamijka doorashada ee xisbigan. Iyaga oo u kala dhig-dhigay qodob qodob.

Barnaamijka doorashada xisbiga SD, gaar ahaan qeybta ay kusoo bandhigeen siyaasadooda arimaha dibadda, waxay ku qeexeen inay rabaan in Somaliland loo ictiraafo dal ahaan. Sidoo kale gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq la siiyo madax banaani iyo ictiraaf caalami ah. Iyaga oo sidoo kale sheegay inay rabaan in caasimada Israel loo wareejiyo magaalada Barakeysan ee Qudus.

Barnaamijka xisbiga SD Kuma qeexna ujeedka dhabta ah oo ay u rabaan in Somaliland iyo Kurdistan dalal ahaan loogu aqoonsado, balse waxaa la qiyaasi karaa inay ka dhex arkeen danta iyo siyaasada xisbigooda, oo inta badan ku qodonta kasoo horjeedka soo galootiga.

Xigasho/Kilde: Nettavisen. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments