Gabadh muslim ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa ku guulaysatay magdhow kadib markii waraysi ay shaqo u galaysay laga joojiyay markii ay diiday in ay gacan qaaddo ninkii imitixaanka shaqada qaadayey.
Farah Alhajeh, waa 24 jir, waxa ay codsanaysay shaqo tarjumaanimo, waxayna diiday in ay gacan qaaddo nin imtixaanka shaqada qaadayey sababo la xiriira diinteeda.
Wadnaheeda ayay gacanta saartay halkii ay gacanta ka salaami lahayd.
Maxkamadda shaqaalaha ee Sweden ayaa xukuntay in sharikaddaas ay ku kacday fal faquuq ah oo kadhan ah gabadhaas. Waxaana lagu ganaaxay in ay sharikaddaasi bixiso lacag dhan $4,350 oo magdhow ah.
Muslimiinta qaar ayaa ka dhawrsada in ay salaamaan ama ay taabtaan jinsiga kale ee lidka ku ah, marka laga reebo qoyskooda hoose.
Si kastaba ha ahaatee waddamada Yurub qaarkood gacan qaadka ama salaantu waxay ka tahay dhaqan, Sharciyada kadhanka ah faquuqa ayaa u diidi kara sharikadaha iyo hay’adaha guud in ay dadka ula dhaqmaan si gooni ah Jinsigooda dartiis.
Xafiiska Sweden u qaabilsan baaritaanada ku aadan faquuqa, kaas oo matalayey Ms Alhajeh oo 24 jir ah, ayaa sheegay in xukunka lagu saleeyey » danaha qofka shaqada leh, xaqa qofku uu u leeyahay in uu dhowrsanaado, iyo muhimadda ay dawladda u leedahay ilaalinta xorriyadda diinta»
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.