Oslo: Wuxuu diiday inuu gacanta ka salaamo dumarka: Waxaa loo diiday in loo dheereeyo mudada shaqada

0
148

Nin muslim ah oo si kumeel gaar ah shaqo macalinimo ah uga shaqeynayay iskuulka caruurta ee Ekeberg, ayaa loo diiday in loo dheereeyo mudada shaqada, sababa la xiriira inuu diiday inuu gacanta ka salaamo dumarka macalimiinta ah ee iskuulka kala shaqeeyo.(Hoos ka akhri qoraalka arintan oo af-norwiiji ah).

Ninkan oo u waramay wargeyska Dagsavisenayaa sheegay inuu sababo la xiriira diintiisa uusan gacanta uga salaamin dumarka, balse aysan ka aheyn liidis iyo inuu dumarka hoos u fiirinayo, sida ay u fasirteen dumarka macalimiinta ah ee iskuulka kala shaqeeyo. Wuxuuna raaciyay in waxa uu fikirkiisa arintaas ku aadan uu u gudbiyay maamulka iskuulka, kahor inta aan halkaas shaqada kumeel gaarka ah laga siin, si aysan u imaan isfahan daro.

Maamulaha iskuulka Bente Alfheim ayaa sheegay ineysan marnaba aqbalin diidista gacan ka salaamista dumarka ee ninkan, balse ay siiyeen jaanis iyo fursad. Isaga oo cadeeyay inay mar walba muujinayeen dhibaatada ay ku qabeen arintas.  Maamulaha iskuulka ayaa sidoo kale wargeyska Dagsavisen u sheegay in dumarka macalimiinta ka ah iskuulka, lana shaqeynayay ninkan afartameeyo jirka ah ay soo gudbiyeen dareen la xiriira inuu gacantooda diidayo. Isaga oo raaciyay inay adagtahay inuu arintaas u sharaxo macalimiinta, waalidiinta iyo ardeyda iskuulkaas dhigato.

Maamulka iskuulka ayaa ninkan u soo bandhigay inuu u kordhiyaan mudada shaqada kumeel gaarka ah ee caawinta macalinimada, iyaga oo shuruud uga dhigay inuu wax ka badalo diidista gacan ka salaamista dumarka, hadii uu rabo inuu shaqada sii wato.

Gudoomiyaha Oslo: Lama aqbali karo

Gudoomiyaha degmada Oslo, Reymond Johnsen ayaa NRK u sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in qof kommunaha Oslo u shaqeeyo uu diido inuu gacan qaado qof kale, sababo la xiriira diin.

Akhenaton Oddvar de Leon oo ah madaxa ururka dhankiisa difaacay ninkan muslimka ah ee shaqada looga joojiyay sababo la xiriira inuu diiday inuu gacan qaado haweenka, wuxuuna sheegay ineysan jirin sharci arintaas dhigaya oo gudoomiyaha Oslo uu cuskan karo.

Xigasho/kilde: NRK, Dagsavisen

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments