Norway: SV oo ka digay inay mooshin ka keeni doonaan xukuumada R.W Erna Solberg

0
115

Xisbiga mucaaradka dalkan Norway ee SV, ayaa ka digay inay mooshin ka dhan ah xukuumada reysulwasaare Erna Solberg keeni doonaan baarlamaanka dalkan Norway. Gudoomiyaha xisbiga SV, Audin Lysbakken ayaa hadalkan ka sheegay dood dhex mareysay hogaamiyeyaasha xisbiyada, kana mid aheyd doodaha isbuuca «Arendal».

Xisbiyada mucaaradka ayaa su´aalo badan ka keenay maareynta iyo ka warqabka Erna Solberg shaqada wasiirada katirsan xukuumadeeda, gaar ahaana dhinaca amniga, kadib markii uu dhawaan is casilay wasiirkeedii kaluumeysiga, Per Sandberg. Iyaga oo qaar kamid ah ay ku eedeeyeen in hogaankeeda uu yahay mid wiiqsan.

Erna Solberg ayaa dhankkeda ku jawaabtay inay wax badan ka qabteen dhinaca amaanka, iyada oo muujisay in xukuumadeeda ay qarash badan oo katirsan miisaaniyada sanadlaha ah ay ku adeegsato sugida amniga.

Xibsiga kale ee KRF ayaa dhankooda sheegay inay xukuumada Solberg uga fadhiyaan jawaabo ku saabsan waxyaabaha ay ka qabatay dhanka amaanka iyo adkeynta sirta dowlada. Halka SV uuba kusii hanjabay inay baarlamaanka keeni doonaan mooshin.

Xigasho/kilde: Nettavisen

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments