Germany: Wiil soomaali ah oo mindi ku dilay dhakhtar, dhaawacna gaarsiiyay kalkaaliso caafimaad

0
95

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Germany, wiil soomaali ah ayaa labo maalin kahor mindi ku dilay nin dhakhtar ahaa, isaga oo sidoo kale dhaawacay kalkaaliso caafimaad, halka uu dhaawac kalena gaarsiiyay qof isku dayay inuu qabto xiliga uu falka geysanayay.

Falkan ayaa ka dhacay magaalada  Offenburg. Wiilkan soomaaliga ah oo 26 sano jir ah ayay boolisku gacanta kusoo dhigeen, wali lama sheegin sababta ku kaliftay dilitaanka ninka dhakhtarka ah.

Soomaaliga dilka geystay ayaa Germany soo galay sanadkii 2015, wuxuuna dalkaas ka heystay magangalyo, sida ay qoreen warbaahintu.

Shaley waxaa mudaaharaad isugu soo baxay dadka degan magaalada uu falkaas ka dhacay, kaas oo looga soo horjeeday dilka uu wiilka soomaaliga ah u geystay dhakhtar germanka ah.

Xigasho/kilde: www.schwarzwaelder-bote.de

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments