Germany: Ninkii Ciraaq igu kufsaday, iguna adoonsaday ayaan Germany mar kale kula kulmay!

0
178

Ashwaq waa gabar magangalyo kasoo doonatay dalka Germany, waxeyna kasoo jeedaa qowmiyada loo yaqaan Yazidiyiinta ee degan dalka Ciraaq. 14 sano jir ayay ahayd markii dagaalyahanada kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka ay qabsanayeen waqooyiga Ciraaq, oo ka mid ahaa dhulka dadka Yazidi. Waxa ay si khasab ah ku haysteen kumaan dumar ah oo ay ka mid ahayd Ashwaq, waaxaana iyada 100 doolar looga iibiyay nin lagu magaacaabo Abu Humam.

Ashwaq ayaa sheegtay la jirdilay oo la kufsaday, balse nasiib wanaag 3 bilood kadib waxaa u suuro gashay in ay baxsato oo ay u tahriibto Jarmalka, iyada, hooyadeed iyo mid ka mid walaaleheed.

Dhowr bilood ka hor waddo ku taallo banaanka suuq laga dukaameeysto ayay ka maqashay qof magaceeda ugu yeerayo.

Ashawaaq ayaa sheegtay: » gaari ayaa agteeyda bareegga lagu qabtay. Waxa uu fadhiyay shirka hore ee gaariga. Waxa uu igula hadlay luuqadda Jarmalka waxa uuna I weeydiyay ‘ adiga Ashwaq miyaa tahay? Aad ayaan isugu naxay oo waan gariirayay. Waxa aan ku iri ‘Maya, ee adiga kumaa tahay?»’

Waxa ay tiri waxaa uu ku jawaabay » Waan ogahay Ashawaaq ayaa tahay, anigana waxaan ahay Abu Humam.»

Ashwaq waxa ay tiri intaa kadib waxa uu bilaabay in uu luuqadda carabiga kula hadlo waxa uuna ku yiri been ha ii sheegin.

»waan ku garanayaa, ayuu yiri. Xageese ku nooshahay, yaana la nooshahay? Wax walba waa uu ogaaday oo nolosheeyda Jarmalka ku saabsan.»

Waxa ay tiri: Nolosheydii kumaanan fakarin wax noocan ayaad Jarmalka ku arkeysaa.

Waxa aan ka soo tagay qoyskeeyga iyo wadankeyga waxaana soo aaday Jarmalka si aan u ilaawo jirdilkii iyo xanuunkii la’ii geystay. Ugu dambeyntii waxaan la kulmay ninkii daacish ka tirsanaa ee iqafaashay kadibna ogaadaay wax kastoo nolosheyda ku saabsan.

Dacwad oogaha federaalka ayaa sheegay in Ashwaaq ay booliska u gudbisay dhacdada shan maalmood kadib. Ashwaaq ayaa sheegeysa in ay wax walbo u sheegtay baareyaasha oo xitaa ay ka mid tahay dhacdadii naxdinta badan lahayd ee Ciraaq.

Booliska ayaa Ashawaaq u sheegay in haddi ay mar labaad la kulanto Abu Humam ay la soo xiriirto booliska durbadiiba.

Waxa ay sidoo kale booliska u sheegtay in ay baaraan Kaamirada qarsoon ee suuqa laga dukaameysto balse waxa ay sheegatay in ay taasi dhicin.

«Waxa aan sugayay bil dhan»,ayay tiri, balse ilaa iyo haatan wax jawaab ah ma aysan helin.

Haatan waxaa cabsi xoogan ku haya Abu Humam waxa ayna rajeyneysaa in ay dib u midoobaan afar gabdhood oo walaaleheed ah oo ugu dambeeysay markii ay Ciraaq ka soo qaxday.

Ashwaaq haatan waxa ay dib ugu laabatay waqooyiga Ciraaq, iyadoo ka tagtay magaalada Schwäbisch Gmünd oo ay rajeyneysay in ay nolol cusub ka bilaabato.

«Hadii aadan soo marin dhibaato tan la mid ah ma garan kartid xanuunka ay leedahay… waa arrin wadnaahaga taabaneysa» ayay tiri. Marka gabadh ay kufsadaan kooxda daacish, ma qiyaasi kartid saameynta ay leedahay marka aad dib ula kulanto ninkaan.

‘Ma ahan kiis laga seexday’

Frauke Köhler, afahayeenka maxkamadda ugu sareeysa ee Jarmalka ayaa sheegay in booliska ay isku dayeen tallaabo kasta oo Abu Humam lagu soo qaban karo balse waa ay u suuro gali weysay.

Marki ay booliska isku dayeen in ay mar labaad Ashwaq la xiriilaan bishii June ee sanadkan arrimo la xiriira baaritaanka dhacdadaasi, Ashwaq waxa ay ku laabaty Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee ku sugan Jarmalka ayaa sheegaya in kiiskeeda aan laga gaabin.

Ashaq ayaa lafteeda sheegaysa in ay maqashay dhacdooyin kuwaan la mid ah oo qabsaday gabdha kale ee Yazidi ah oo iyagana ka soo baxsaday dagaalyahanada Daacish.

laakiin dhamaan kiisaka laguma war galin maamulada.

‘Dib uguma laabanayo Jarmalka’

Haatan waxa ay ku laabatay gobolka Kurdistan, waxa ayna ku nooshahay xero qaxooti ah, Ashawaaq waxa ay weli doonaysaa in ay sii wadato wax barashadeeda balse iyada iyo qoyskeedaba waxa ay doonayaan in ay wadanka ka tagaan.

«waxaa na cabsi galiyay dadka IS,»aabeheed ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Laankiin arrintii ay Ashwaaq kula soo kulantay Jarmalka ayaa saameyn weyn ku yeelatay nolosheeda.

«Xitaa hadii ay dunidoo dhan bur-burto, dib uguma laabanayo Jarmalka,» Ayay tiri.

Waxa ay intaasi ku dartay, sida dadka kale Yazidis-ka ah, qoyskeeyga waxa ay dalbanayaan in ay ku noolaadaan dalkaasi Australia kaasi oo ay qeyb ka ah mashruuc loogu tala galay dumarka ay kufsadeen kooxda Daacish.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments