Erna Solberg oo la kulmeyso cadaadis ku aadan inay xilka ka qaado wasiirkeeda kaluumeysiga

0
146
Foto: Youtube

Wasiirka kaluumeysiga dalkan Norway, Per Sandberg ayaa bishii hore safar muran dhaliyay ku tagay dalka Iiraan oo Norway ay ku tiriso inuu kamid yahay wadamada aan xaq-dhowrin xuquuqda bini aadamka iyo xoriyada hadalka. Waxaana wasiirka safarkiisa ku weheliyay haweeney uu dhawaan saaxiib(gacaliso) ka dhigtay oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan.

Waxaa sidoo kale soo baxday in Per Sandberg uusan shaqaalaha xafiiskiisa iyo qeymaha kale ee dowlada ka wargalin safarka fasaxa ah ee uu ku tagayo dalka Iiraan. Wuxuuna sidoo kale sii qaatay telefoonka gacanta ee shaqada, waxeyna arintaas keentay shaki badan oo ku saabsan in sirdoonka dalka Iiraan ay mobilka gacanta ee wasiir Sandberg ay kala bixi karaan xog iyo siro ay leedahay dowlada Norway.

Sidoo kale waxaa gadaal kasoo baxday in wasiirka kaluumeysiga Norway uu ka qeybgalay dabaaldega maalinta xoriyada dalka Iiraan oo ku beegan maalinta kacaanka Khumeyni ay la wareegeen awooda iyo talada dalka Iiraan. Dabaaldegaas oo ka dhacay safaarada Norway ee Iiraan ayaa sii xoojiyay doodii hore ee ku taagneyd safarka Per Sandberg ee Iiraan.

Hey´adda sirdoonka dalka Norway ee PST-da ayaa la wareegtay telefoonka gacanta ee Per Sandberg marka uu Norway dib ugu soo noqday. Waxeyna sheegeen inay ka cabsi qabaan in telefoonkaas ay xog kala baxeen sirdoonka dalka Iiraan.

Xilkiisa dib u qiimeyn halugu sameeyo:

Xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan Ap iyo SV ayaa dhowr mar ku cel-celiyay inay muhiim tahay in Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ay qaado talaabo ay xilkiisa ku qiimeyneyso wasiirkeeda kaluumeysiga Per Sanberg. Sidoo kale xubno katirsan xisbiga uu Sandberg ka tirsanyahay ee Frp ayaa qaba in xilka laga qaado Per Sandberg.

Xubno sare oo horey xilal uga soo qabtay hey´adda sirdoonka dalkan Norway ee PST iyo hey´adda xog uruurinta ee E-tjenesten ayaa aaminsan in hadii Per Sandberg aan talaabo laga qaadin, loo safarin karo jileec iyo maahsanaan dhanka dowlada Norway ah.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments