Sida uu qoray wargeyska Stavanger Aftenbladet, dowlada Norway ayaa rabta inay jarto qeyb kamid ah lacagta taageerada ah ee dowladu ay ku kabto dadka raba inay ilkaha ku xirto biraha loo yaqaan(Tannregulering). Waxaana la sheegay in dowladu ay rabto in miisaaniyada sanadka soo socdo ee 2019 ay dhinto ilaa 100 milyan oo lagu kabo dadka biraha ku xirto ilkaha.
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie(Høyre) ayaa dhankiisa sheegay in go´aanka kama dambeysta ee arintaas ku saabsan lagu soo bandhigi doono miisaaniyada sanadka ee 2019, taas oo ay dowladu soo gudbin doonto bilowga bisha October ee sanadkan.
Wasiirka caafimaadka oo soo xiganayo waaxda caafimaadka ayaa sheegay in badan oo kamid ah dadka ilkaha ku xirto biraha ay u sameeyaan sababo la xiriira xarago, oo aysan aheyn arimo caafimaad. Wuxuuna raaciyay in arintaas ay waalidiin badan ku qasbeyso inay bixiyaan qarash badan, gaar ahaan waalidka aan dhaqaale fiican heysan.
Warkan kasoo yeeray dowlada ayaa waxaa markiiba kasoo horjeestay dad badan oo aaminsan in dowladu aysan jarin lacagta lagu kabo dadka ilkaha biraha ku xirta. Tellef Inge Mørland oo katirsan gudiga caafimaadka ee baarlamaanka ayaa sheegtay in xirashada ilkaha ee biraha ay awalba aheyd mid qaali ah, dowladuna ay qaali kasii dhigeyso, hadii la jaro lacagta ay ku kabto.
Mølland ayaa raacisay in soo jeedintaas ay xoojineyso farqiga iyo kala fogaanshaha u dhaxeeyo qeybaha bulshada, marka laga hadlo caafimaadka ilkaha. Waxeyna sheegtay in caafimaadka ilkaha ee caruurta aysan noqon mid ku xiran taajirnimada ama faqiirnimada aabihii.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.