Booliska Sweden oo toogasho ku dilay wiil xanuunsan oo biskoolad caag ah watay

0
167
Foto: Privat

Booliska dalka Sweden ayaa toogasho ku dilay wiil maskax ahaan u xanuunsan oo biskoolad caag ah ah ku dhex watay magaalada Stockholm. Wiilkan ayaa ahaa qabay cudurka Autism, wuxuuna ahaa in maskax ahaan uusan aheyn qof is maamuli kara oo u baahan hagis iyo caawinaad dheeri ah.

Booliiska ayaa rasaas ku furay Eric Torell oo 20 jir ah, iyaga oo ka jawaabaya wax ay ku tilmaameen “xaalad khatarteeda leh”. Waxeyna sheegeen in biskoolada caaga ah ee uu wiilkan watay ay u qaateen inay aheyd mid caadi ah oo uu rabay inuu weerar ku geysto.

Katarina Söderberg oo ah hooyada wiilka ay boolisku toogteen ayaa sheegtay in biskoolada caaga ah wiilkeeda loogu keenay hadiyad ahaan, waxeyna booliska ku eedeysay inay ku dag-dageen toogashada wiilkeeda oo ay ku tilmaantay inuu ahaa qofka aduunka ugu naxariista badan.

Hooyada ayaa sidoo kale raacisay in wiilkeeda uu inuu boolis weeraro iska daaye, ay xitaa ku adkeyd inuu si saami ah u hadlo.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay Eric ku amreen in biskoolada uu watay uu dhigo, uuna qaadan waayay amarka ay siiyeen. kadibna qiimeyn guud oo ay sameeyeene, ay u arkeen inay ka hortagaan khatar halis ah oo soo socoto, una baahan in laga hortago.

Waxaa hadda socda baaritaan ku saabsan in booliisku ay sixin u maareeyeen xaaladda, sida ay ku warramayso warbaahinta Expressen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments